Nin Ganacsade Ah Oo Habeen Hore Lagu Dilay Magaaladda Hargeysa Iyo Gacan Ku-dhiiglihii Oo La Qabtay
ALLE ha u naxariistee waxa habeen hore Magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum Cismaan Daahir Muslim oo ka mid ahaa Ganacsatada Hargeysa,waxaana la sheegay in uu dilka Marxuumka Geeriyooday uu geystay eedaysane Dayib Cabdi Faarax oo ay ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen isla habeen horeba.
Sababta dilkan Marxuumka keentay iyo nooca dilkani u dhacay ayay Taliska Boolisku afka ka xidheen isla markaana aanay wax war ah ka soo saarin.
Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo aanu xalay isku daynay inaanu dilkan wax ka weydiinno ayaanay noo suurto-gelin iyadoo ay xidhnaayeen Telefoonadiisa gacanta oo aanu garaacnay dhawr jeer oo kala duwan. Sidoo kale Taliye Ku-xigeenka koowaad ee ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo isagana aanu isku daynay inaanu dilkan wax ka su’aalno ayaanay noo suurto-gelin, ka dib markii uu naga qaban waayay Telefoonkiisa gacanta.
Ilo kala duwan oo aanu ka helay dilkan ayaa noo xaqiijiyay in habeen horeba hawl-gal ciidanka boolisku sameeyeen ay ku soo qabteen ninka ku eedeysan inuu dilkan geystay.