Somaliland: Madaxwayne Ku-xigeenka Oo Xafiiskiisa Kulan Kula Qaatay Wafdi Ka Socday Dalka Ingiriiska

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dalka Ingiriiska oo ay hogaaminayso Miss Diane Abbott oo ka tirsan baarlamaanka ingiriiska, oo ay weheliyaan hay’addo dhinaca samafalka ah oo ka kooban shan hay’adood.

 

Weftigan oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal, ujeedada socdaalkoodana ku sheegay inay tahay sidii ay uga qaybgeli lahaayeen gurmadka abaaraha ka jira dalka qiimayna ku soo samayn doonaan xaalada abaarta eedalka, gaar aaan dhinaca galbeed, ayaa isla maantaba u gudbay gobolada Awdal iyo Selel.

Hay’adaha samafalka ee weftigan ka midka ah ayaa kala ah:

Islamic Relief, African Relief, Muslim Hands, Huma


Appeal, Charity Rights,
waxana ugu horaynba warbixin siiyey weftiga, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha dalka, taasoo uu tixraacay heerka abaartu soo martay ilaa hadda iyo waxqabadka guddida heer qaran ee abaaraha, waxana ka mid ahaa hadaladiisa”markii xaalada abaartu nagu adkaatay, ayaa madaxweynaha dalku wuxu magacaabay guddida abaaraha ee heer qaran oo isugu jira wasiiro, cullimo awdiin iyo ganacsato.
Dhaqaalaha dalkayaga oo yar awgeed iyo xaaladii abaarta oo ka sii daraysay maalinba maalinta ka danbaysa, waxaanu go’aansanay in aanu isku tashano Illaahayna kaashano, annagoo gudahayaga ka soo ururinay lacag hordhac ah oo aanu ku hawlgalnay.

Hase ahaatee baaxada xaalada abaarta oo aad u siyaaday ayaanu qaylo dhaan u gudbinay dunida waxaana noo soo gurmaday markii u horaysay dalalka ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Sucuudi Arabiya. Waxa iyana markii danbe wax keenay WFP.

Abaartan oo aan nooceeda muddo dheer la arag waxay galaafatay beerihii iyo xoolihii oo ah labada meelood ee dhaqaalahayagu ku tiirsanaa. Waxaa noo suurto gashay ilaa hadda in aanu wax gaadhsiino in ka badan 50 kun oo qoys, kuwaasoo aanu raashin yar oo aas-aasi ah iyo daawooyin yar gaadhsiinay oo ku filnaada muddo bil ah.

Waxase caddaan ah in xaalada abaartu ay ka weyn tahay wixii aanu haynay iyo wixii na soo gaadhay labada, waxana dadku u baahan yahay in dib loo xooleeyo, dhinaca beerahana laga caawiyo, sidaasi awgeed weli waxa aanu u baahanayn kaalmada bulshada caalamka” ayuu ku soo jaray hadalkiisa madaxweyne ku xigeenku.

Waxa hadalkii la wareegtay haweenayda weftiga hogaaminaysay ee Miss Diane Abbott, waxanay sheegtay inay tahay xubin baarlamaanoo ka soo baxday xisbiga shaqaalaha ee “Labour party”, tahayna afhayeenka xisbigaa, kana soo baxday bariga London oo ay soomaali badani ku nool yihiin, dadkii doortay iyadana ay ka mid ahaayeen Soomaalidu, waxay ku sifaysay inay u taqaano Soomaalida dad hawlkara oo shaqo badan, ka dibna waxay u gudubtay inay ammaantay Somaliland, waxanay tidhi “Somaliland waa dalka ugu dimuquraadisan, uguna xasilloon gobolkan dunida ka mid ka ah ee ay ku taallo”.

Intaa ka dib waxay ka hadashay abaarta ba’an ee Somaliland ka jirta iyo inay ingiriis ahaan iyo hay’adahan socdaalka ku weheliyaaba ay ka qaybgelidoonaan gurmadka.

Waxa isna halkaa ka hadlay Dr. Hani Bana oo ku salaamay kulanka salaanta islaamka iyo salliga Nebiga (SCW),  waxanu sheegay inuu gudoomiye u yahay ururka Islamic Relief, oo ka dhisan magaalada Birmingham ee dalka ingriiska, waxaanu intaa raaciyey hadallo kaftana, isagoo yidhi “Soomaalidu way la wareegtay magaalada Birmingham oo iyadaa qabsatay hadday noqoto ganacsi, iyo hadday noqoto shaqo kaleba”, ka dibna weftigii la socday oo ka koobnaa 18 qof ayuu ka dalbaday inay gacanta tagaan inta ka socoto magaalada Birmingham, halkaas oo ay gacanta ka taageen dhawr qof oo soomaali ah.

Wuxuu intaa raaciyey in shirkii ugu horeeyey ee binu-aadannimo oo heer hogaamiyeyaal caalamiya ah, (Humanitarian summit) la qabandoono mustaqbalka dhaw, Somaliland looga baahan yahay inay ka qaybgalka shirkaa caalamiga ah isu diyaariso, anaguna waxa aanu u soconaa in aanu dareenka u horeeya ka soo qaadano xaaladan binu-aadanimo ee haatan ka jirta dalkiina. (First hand feeling).

Weftigu markii ay ka soo degeen airport ka waxa ku soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda, Dr Sacad Cali Shire, iyo wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaana halkaas laysku waydaarsaday erayo soo dhawayn ah oo uu weftiga ku soo dhaweeyey wasiirka arrimaha dibedu, iyo madaxda weftiga oo sheegtay ujeedada booqashadooda.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...