Abaalmarinta Xiddiga Iyo Tababaraha Ugu Fiicnaa Premier League Bishii Maarso Oo La Bixiyay – Yaa Ku Kala Guuleystay?

Claudio Ranieri ayaa ku guuleystay markii labaad Abaalmarinta Tababaraha  Bisha ee horyaalka Premier League ka dib markii uu Leicester qarka u saaray inay hanato horyaalka.

Kooxda tababaraha Talyaaniga ayaa todobo dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka iyadoo kaliya ay lix kulan u hartay, waxaana ay qaab ciyaareed wanaagsan la soo baxeen xilligii ugu haboonaa ee xilli ciyaareedka.

Bishii Maarso kooxda waxa ay shabaqa ilaashatay seddex kulan, iyadoo haddii April lagu darro ay ka dhigeyso afar kulan, waxaana ay 10 dhibcood ka heleen 12 dhibcood oo ay u tartameen bishii hore.

 

Guulo xiriir ah oo 1-0 ah ayay ka gaareen kooxaha Watford, Newcastle iyo Crystal Palace, waxaana ay taasi u sahashay inay sii dheereystaan hogaankooda horyaalka.

Xitaa barbarihii 2-2 ee ay la galeen West Brom bilowgii bishii Maarso ayaa u noqotay natiijo fiican madaama isla isbuucaan laga wada badiyay dhamaan kooxaha kula tartamaya hanashada Premier League.

Dhanka kale xiddiga kooxda Tottenham Harry Kane ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Bisha ee Premier League, xiddigaan oo weli rajeynaya inay soo yareeyaan farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Leicester ayaa dhaliyay shan gool oo Premier League ah bishii Maarso.

 

Waxa uu gool cajiib ah ka dhaliyay Arsenal ka hor inta uusan min labo gool ka dhalinin kulamadii ay ka badiyeen Aston Villa iyo Bournemouth.

Kane ayaa haatan dhaliyay 22 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu seddex gool dheer yahay ninka ugu soo dhow Jamie Vardy isagoo ku dhawaanaya inuu xilli ciyaareedkan hanto abaalmarinta kabta dahabka Premier League.

Player-of-the-month Manager-of-the-month

Comments

comments