Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wefti balaadhan oo ka socday Dalka Masar, hogaaminaayeyna Amb Walid Maxamed Ismaaciil, oo booqasho ku joogay dalka maalmahanba
Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr), wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Jirde (Cali Shoonbe), Wasiirka Caafimadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) Amb Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo la taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada, Khadar Cali Gaas.
Kulanka ka dib waxa saxaafada warbixin ka siiyey Wasiirada ganacsiga, iyo Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Safiirka Masar u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
Kuwaasi oo ka waramay ujeedada iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen waftigan ka socdey dalka Masar iyo sidoo kale madaxwaynaha,
waxanay sheegeen in ujeedka ay ka wada hadleen sidii xidhiidh caalami ah ay u yeelan lahaayeen labada dal iyaga oo sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaaye dhinacyada xidhiidhka ganacsiga waxbrashad iyo sidoo kale sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen dhinaca Horumarinta.