Somaliland: Masuul Kashifay Xogo Qarsoonaa Oo Ku Aaddan Siyaasiyiin Magac Weyn Ku Leh Somaliland Oo Faysal Cali Waraabe U Ballan Qaaday UCID Haddana Kaga Baxay

Date:

Magacyada Siyaasiyiin Wakhtiyo Kala Duwan Faysal Cali Waraabe U Ballan Qaaday Haddana Ka Diiday Wareejinta Xisbiga UCID Ama Ugu Yaraan In Ay Iska Soo Sharraxaan

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamed Maxamuud Caga Wayne oo ka mid ahaa masuuliyiin ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa ayaa waxa uu ka sheekeeyey xaalado siyaasadeed oo layaab leh iyo wakhtiyo kala duwan sida Guddoomiyaha xisbiga UCID u daneeyey cid uu xisbiga ku wareejiyo haddana ka hor yimid oo diiday. Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamed Maxamuud Caga Wayne oo ka hadlayay madal ay isugu yimaaddeen masuuliyiin ka soo jeeda beesha Ciidagale oo ay kaga hadlayeen xaaladda cakiran ee xisbiga UCID oo ay si weyn ugu dhaliileen siyaasadda Faysal Cali Waraabe ayaa ak sheekeeyey taariikh layaab leh iyo sida Faysal Cali Waraabe dhawr siyaasi damcay in uu ugu wareejiyo xisbiga haddana markii dambe ku wacad furay siyaasiyiintaasi oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Cirro illaa laga soo gaadho Jamaal Cali Xuseen isaga oo ku eedeeyey in Faysal xisbigaasi UCID ka dhigay sidii meherad uu qof iska leeyahay. Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamed Maxamuud Caga Wayne oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: ““Faysal waxa uu nagu yidhi ururradi dhacay siyaasiyiintooda dooni maayo balse dadkii taageersanaa ayaan doonayaa. Tusaale ahaan Gabboose ayaa yidhi xisbiga igu wareeji, faysal waxa uu yidhi kugu wareejin maayo. Nin reer Mudug ah ayaad tahay oo xisbiga ayaad iga qaadaysaa. Hadda waa ninkii dhacay. Wuxuu yidhi Gabboose, miyaanad doonayn Madaxweyne. Haddii aan Madaxweyne kaala shaqeeyo xisbiga ma igu wareejinaysaa?, haddii aad noqon waydana iska sii hayso xisbiga, shardigaasi igu xidh. Xilligaasi waa xilli firsad weyn lahaa,. Waayo beelaha Habar Yoonis xisbi may lahayn, Sacad Muuse Xisbi muu lahayn, Arab xisbi muu lahayn. Taariikhda maalintaasi Faysal waxa uu yidhi anuu Gabboosow xisbiga kugu wareejin maayo. Wuu iska tagay Gabboose. Markii dambe waxa uu innoo keenay Cabdiraxmaan Cirro oo ay midabka cas iyo dhukurnimada iska matalaan. Markii uu Faysal laba jeer dhacay ayuu Cabdiraxmaan Cirro ku yidhi igu wareeji xisbiga. Markaasuu Faysal Cali Waraabe diiday oo uu yidhi kugu wareejin maayo. Illayn waa NGO oo meeshu waa meel uu isagu iska leeyahaye”.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamed Maxamuud Caga Wayne oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Arrinka kale ee layaabka leh waxa uu ahaa. Faysal waa ninkii Xasan Ciise Jaamac oo siyaasadda isaga tagay u tagay oo masaajidka uga yeedhay. Wuu soo kiciyey isaga oo Xasan Ciise Masaajid isaga cibaadaysanaya. Markii uu Xasan u yimid ayuu Faysal ku yidhi xisbiga igu wareeji markaasuu Faysal diiday oo ku yidhi mid kaa lacag badan ayaan soo arkay. Markii aannu aragnay siyaasadda Faysal annagu KULMIYE ayaanu isaga leexanay kadib waxa uu keenay Jamaal Cali Xuseen. Markaasaanu garanay in aanu ninkani madaxnimo iyo xisbi toona dan ka lahayn ee uu kolba qof u yeedhayo oo meesha ka dhigay meel ganacsi. Imika xisbiga UCID dhammaan beelihi kale ee dalka wuu waayay waxa uu kaliya taageero ka helay Ciise Muuse iyo Samaroon. Labadiina waakaa maanta ku wacad furay ee siyaasiyiintii da’da yaraa eryey. Waar xaggee ayaynu ku soconaa. Siyaasaddaa Faysal ku shaqaynayaa waxa ay saamayn doontaa xataa hablaheena ayaa guur beelaya. Beesha Ciidagale haddii aynu nahay xaggee Faysal innagu wadaa. Haddii aynu Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera iyo Burco diidno beelaha dega xaggee innagu wadaa”. Ayuu yidhi Agaasimihii hore ee X.Xooluhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...