Somaliland: G.Faysal Cali Waraabe oo Xilkii ka qaaday Mujaahid Cali Gurey iyo Saddex Masuul oo kale

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xilkii ka qaaday Gudddomiye ku xigeenkii saddexaad ee Xisbigaas mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey).

Warsaxaafadeed Maanta kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa lagu sheegay in la badalay Mudane Cali iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaas iyadoo sidoo kalena uu Guddoomiye Faysal Magacaabay Xubno cusub oo badalay masuuliyiintaasi xilka laga qaaday.

Guddoomiye Faysal waxaa uu xilka qaadistiisan ku sababeeyay in xisbigaasi u baahanyahay dib u habeyn balaadhan taasi oo loogu diyaar garoobayo doorashada soo socata.

XIL-KAA-QADIS-IYO-MAGACABIS-UCID-

Comments

comments