war deg deg ah oo hada soo gaadhay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu warqad u gudbiyey shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland .
Nuxurka warqadan ayaa wararka ay helayso shabakada Haqabtirenews.com waxaa ay sheegan in ay tahay madaxweynaha oo ka dalbadey golaha baarlamaanka in ay kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyaan xeerka diwaangalinta cod bixiyaasha gaar ahaan qodobka sheegaya in diwaangalinta cod bixiyaasha iyo tiro koobka cod bixyaasha la dhameeyo doorashada 6 bilood ka hor
Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka codsadey golaha baarlamaanka in qodobkaasi kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo isla markaana laga dhigo lix bilood gudahood
si kastaba ha ahaate Warqadan uu madaxweyne siilanyo saaka u gudbiyey baarlamaanka ayaa waxaa ay ka danbeysay ka dib markii ay xalay kulan ku wada yeesheen qasriga madaxtooyada gudoomiyaha xisbiga Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro