Gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa manta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta komishanka waxay kaga hadleen qoraal laba warqadood ah oo uu gudida komishanka usoo gudbiyay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo.
Waxaana gudidu ay sheegeen in nuxurka labadan warqadood ee madaxwaynuhu so gudbiyay ay kala yihiin waqad codsi ah oo uu madaxwaynuhu ku dalbanayo in muddo hal bil ah layara hakiyo diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a socota gobolada dalka isla markaana laga wada qayb qaato halkaa bil in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Warqada labaad oo uu manta madaxwaynuhu u gudbiyay gudida komishanka ayaa nuxurkeedu daaran yahay ogeysiin uu madaxwaynuhu ogaysiinayo gudida in warqad uu u direy madaxweynuhu baarlamaanka oo uu kaga dalbanayo in qodob ka mid ah xeerka diiwaangalinta cod bixiyaasha lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel.
Dhanka kalena gudida komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ka dhawaajiyay in madaxwayne siilaanyo uu damaanad qaaday inaanay doorashooyinku aanay dib uga dhacayn xiligii loo qoondeeyey ee ahaa inay qabsoonto bisha March sanadka sanadka fooda inagu soo haya ee 2017.
Waxaana gudidu ay gabagabadii shegeen inay aqbaleen warqadaa uu madaxwaynaha Somaliland usoo gudbiyay gudida ee uu kaga codsanayo in hal bil layara hakiyo diiwaangalinta codbixiyayaasha ee gobolada dalka ka socota.