Somaliland: Amnesty International Oo Wali Wasiirka Caddaaladda U Haysata Xuseen Axmed Caydiid Walaacna Ka Muujisay Qaabka Loo Qabtay Saado Dheer Loona Saaray Maxkamad Ciidan

Date:

Waxa Ay Xukuumadda Ugu Baaqay In Saado Dheer Loo Ogolaado Qareen Difaaca Iyo Maxkamad Shacab + Walaac Ay Ka Muujisay Nidaamka Waaran La’aan Xukuumaddu Dadka U Qabqabato

Hay’adda Xuuqal Insaanka adduunka ee Amnesty International ee fadhigeedu yahay Caasimadda waddanka Ingiriiska ee London ayaa warbixin ay soo saartay Salaasadii Darraad waxa ay walaac weyn kaga muujisay xadhigga Marwo Saado Jaamac Aadan oo dhawaan ciidamada RRU-du kala baxeen gurigeeda oo ku yaalla magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil lana sheegay in la saaray maxkamad Milatari iyada oo aan helin qareen difaaca iyo dhagaysi maxkamadeed oo shacab ah.
Warbixinta Hay’adda Amnesty International oo loo kala diray daafaha adduunka ayaa waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay Marwo Saado hesho maxkamad shicib ah oo aan la saarin maxkamad Milatari loona ogolaado in ay qabsato qareen difaaca xuquuqdeeda qofnimo iyo in ay hesho xukun caddaalad ah iyada oo ka dayrisay nidaamka xukuumadda somaliland xadhiga haweenaydaasi u martay iyo waliba qorshaheeda la sheegay in ay ku doonayso in ay ku saarto maxkamad Milatari.
Warbixinta Hay’adda Amnesty International waxa ay daaha ka rogtay in Marwo Saado Jaamac Aadan oo loo yaqaano Saado Dheer aanay helin qareen difaaca iyo sharci damaanad qaada xuquuqdeeda uu damaanadda u siiyey dastuurka Somaliland iyada oo markii la qabtay 12-kii Bishan March goor habeenimo ciidamadu xoog kaga kaxaysteen gurigeeda iyaga oo aan sidan waaran qabasho. Sidoo kale waxa ay warbixintu sheegtay in si kasta oo ay Marwo Saado u ahayd mid ay dawladdu soo eedaysay in aanay hadana haweenayadaasi helin dhammaanba aasaasiyaadkii loo baahnaa dhinaca sharciga. Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa ah hooyo leh 10 ciyaal ah iyo aabbahooda oo in muddo ahba ku sugnaa xaalad caafimaad oo liidata kadib markii uu ku dhuftay Faalig (Stroke).
Dhinaca kale arrinka xiisaha leh ee warbixinta Amnesty International ku jiray waxa uu ahaa gabagabada warbixintaasi oo ay beesha caalamka iyo daneeyayaasha xuquuqal insaanka ugu baaqeen in ay masuuliyiinta ay ka mid yihiin Wasiirka caddaaladda, wasiirka arrimaha gudaha iyo xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland loo diri karo xidhiidho ama qoraalo cadaadis lagu saarayo in Marwo Saado Jaamac Aadan loo gudbiyo maxkamad shacab loona ogolaado qareen madax bannaan oo difaaca, taasi oo magaca Wasiirka Caddaaladda ay ku sheegeen Wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ahaa wasiirkii hore xilkaasi isaga casilay. Lama oga in magaca xuseen Axmed Caydiid ugu soo baxay si khalad ah oo ay kaliya ku baahiyeen iyaga oo magacaasi ka helay jihooyinka inta badan warbixinada u dira xarunta Amnesty iyo kale oo wali hay’addu u haysato wasiirkaasi in uu wali xilkaa hayo iyada oo wasiirka wakhtigan xilka wasaaraddaasi hayaa yahay Axmed Faarax Cadarre oo ah masuulka uga dambeeyey Caydiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...