Xaqiiqda Dhabta ah Ee Xidhiidhka Is-garabsi ee ka Dhex Bilaabmay Xukuumadda & Faysal Cali Waraabe Iyo Sababaha Ka Dambeeya In Guddoomiyaha UCID Lagu Xanto Inuu Ka Shaqaynayo Danaha KULMIYE
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo dhowaan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xisbigiisa iyo xukuumadda dano badani ka dhexeeyaan isla markaana wadahadalo uu kula jiroba wakhti xaadirkan balse mu cadayn nooca wadahadalada uu kula jiro xukuumadda iyo xisbigeeda.
Bilihii u dambeeyey ayaa ra’yul caamka bulshada iyo dadka siyaasadda u dhuun daloolaaba sheegeen inuu Faysal Cali Waraabe ka tanaasulay mucaaridnimadii adkayd ee uu xkuumadda KUMIYE kula jiray iyagoo dadka qaar ku fasiri jiray inuu Faysal door biday odaynimo halkii uu mucaarid bir kulul ka ahaan lahaa, halka ay qaar kalena ku macneeyeen inuu dano gaar ah xukuumadda la galay sida inay guri u dhistay oo xaalkiisu uu yahay af wax cunay xishoo.
Balse waxaa wararkaasi gaas ku sii shubay ka dib markii todobaadkan gudihiisii uu murashaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo khilaaf ba’an dhex yaalo Faysal Cali Waraabe uu sheegay inuu Faysal qandaraas UCID lagu burburinayo uu la galay xukuumadda, xisbiga KULMIYE iyo waliba shakhsiyaad ganacsato ah.
Marka laga yimaado afkaarta kala duwan ee dadka siyaasadda ka faalooda waxaan indhaha laga qarsan karin inu Faysal wakhti xaadirkan xidhiidh muuqda la leeyahay madaxtooyada Somaaliland oo ay dab cas kala bixin jireen, balse xidhiidhkaas ayaa xaqiiqo ahaa ka duwan sida ay in badan oo dadka ka mid ahi u fasiranayan. Xaqiiqda dhabta ah ayaa ah inuu Faysal Cali waraabe ku qancay inaan sannadkan xisbigiisu rajo ka lahayn doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka sidaasi daraadeed waxa uu cadawgiisa koowaad ee siyaasadda u arkay saaxiibkiisii hore Cabdiraxmaan Cirro oo haatan ah guddoomiyaha xisbiga WADDANI.
Maadaama uu Faysal Cali Waraabe aaminsan yahay inuu Guddoomiye Cirro godob siyaasadeed ka galay xisbiga UCID iyo Faysal ahaanba waxa la odhan karaa inuu talo ku gaadhay inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulo sidii uu xisbiga WADDANI uga hor istaagi lahaa kursiga Madaxwaynaha waana sababta keentay inuu garab iyo taageero u muujiyo xisbul xaakimka KULMIYE.
Inkastoo ay jiraan ujeedooyin intaas ka balaadhan oo uu Faysal wakhtigan ugu janjeedhsamay xukuumadda oo ay ka mid tahay inaanu ku qanacsanayn siyaasadda Murashaxa xisbigiisa jamaal cali Xuseen hadana waxaa dadka Guddoomiyaha UCID ka ag dhaw iyo dadka siyaasadda odorosaaba u arkaan in xinka ka dhexeeya Cirro iyo Faysal uu sabab u noqday xidhiidh dhexmara Faysal iyo Xukuumadda.