Khilaafka xisbiga UCID ee u dhaxeeya Murashax Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay xadhkaha goostay, waxaanu u dhow yahay inay dacwadoodu gaadho maxkamadda sare ee Somaliland.
Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka jawaabay hadallada ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID oo uu ku sifeeyay mid xisbiga burburinayawaxaanu yidhi . “Aniga musharaxnimadayda gole dhexe ayaa la igu doortay Faysal-na aniga waxba afkiisa igaga qaadi maayo isagaana gacanta ii taagay markii la I dooranayay cadDaymana waan u hayaa, waligayna noocan oo kale maan arkin mana aha haddii qofku qof masuula uu yahay inuu wax dafiro maaha, Faysalow haddii aad ku fikirayso inay waxaasi kuu hirgalaana habeena maad jirin,”
Waxaa kale oo uu Jamaal Cali Xuseen ku eedeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe in loo adeegsanayo bur burinta Xisbiga isla markaana uu cid kale u shaqaynayo laakiin ay iska qabanayaan. “Faysal waa shakhsiga loo soo adeegsanayo burburka xisbiga Muuse Biixii iyo Ina Aw-Siciid-na wuu u shaqaynayaa, in badan ayaa ka xishoonayay oo afka ka dhawraynay laakiin inaan runta sheegno maanta wey nagu kaliftay, Guddoomiye Faysal-na isagaa xaal isa siiyay, aniga iyo Faysal Cali Waraabana maxkamad ayaan isla tagaynaa si naloo soo kala saaro, hoggaanka xisbiga iyo musharixiintuna way kala madax banaan yihiin, Faysal-na sharcigii ayuu jabiyay,” ayuu ku garnaqsaday Jamaal Cali Xuseen.
Khilaafka UCID ma jiro cid xisbigaas ka tirsan oo soo dhex gashay labadan siyaasi. waxa kale oo natiijo la’aan hore ugu dhammaaday waan-waan ay hore u sameeyeen salaadiin ka soo kala jeeda labada ardaa ee Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.