Somaliland: Xukuumadda Oo Mamnuucday In Aan Dalka Laga Dhisi Karin Masaajid Danbe

Date:

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka dhawaajiyay inaan masaajid dambe oo dalka laga dhisayaa jiri doonin ilaa wasaarada diinta iyo awqaaftu soo eegto goobta laga dhisayo. Isla markaana wuxuu sheegay in ogolaanso siiso cidda dhisanaysa masaajidka.

Wasiirku wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad loo qabtay furitaanka dhismaha cusub ee masaajidka Saalixiyadda ee magaalada Burco.

Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan farayaa intii i maqlaysa masaajid danbe oo dalka laga dhisayaa ma jiri doono ilaa wasaaradu soo eegto ama fasax ay siiso mooyaane, sababaha loogu fasaxayaana waxa weeye in masaajidku masaajid kale ka durugsanaado, inuu jamac heli karayo, inuu yahay masaajid ku haboon goobtaa laga dhisayo, oo aan la dul saarin masaajid kale. Markaa ma jiri doono masaajid danbe oo dalka laga dhisayaa”ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed

Si kasteba ha ahaatee amarkan ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta ee lagu mamnuucay in masaajid danbe laga dhiso dalka ayaa waxa uu noqonayaa amarkii u horeeyey ee ay soo saarto wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...