Dhacdo Ugub Ku Ah Siyaasadda Somaliland- Badhasaab Qabo Oo Sida Madaxweyne U Qaabilay Faysal Cali Waraabe Iyo Xogaha Xidhiidhka Qarsoon Ee KULMIYE Iyo Faysal
Soo Dhaweyntii ballaadhnayd ee Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo shalay u sameeyey Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bannaanka soo dhigtay saaxiibtinimo hoose oo in muddo ahba lagu xamanayay in ay ka dhaxayso Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE oo dhinac ah.
Waxa ay dhacdo ugub ku ah siyaasadda Somaliland gaar ahaan xafiiltanka xooggan ee waligiiba u dhaxeeya xisbiyada qaranka gaar ahaan marka ay noqoto Mucaaridka iyo Muxaafidka balse waxa taasi meesha shalay ka saaray Badhasaabka Gobolka Togdheer oo noqday masuul ficilkiisu caddeeyey tuhuno in muddo ahba ku lammaanaa xidhiidho hoose oo la sheegayay in uu u dhaxeeyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xukuumadda talada haysa iyo waliba hogaanka xisbigeeda KULMIYE.
Waligeed may dhici jirin duruufaha siyaasadeed ee Somaliland masuul dawladeed oo badhasaab gobol ahi in uu soo dhaweyn miisaankaasi leh ku qaabilo Hogaamiye Mucaarid balse soo dhawayntii diirranayd ee shalay Badhasaab Qabo ku qaabilay Faysal Cali Waraabe waxa ay toos u muujisay xidhiidhka ballaadhan ee ka dhaxeeya Injineerka iyo xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE waana martikhaati cad oo bulshada shalay si rasmi ah u hor timid, iyada oo sababtu tahay in maalmo ka horba Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Burco safar ku tagay balse iska daa in badhasaab soo dhaweeyee aan xataa la arki Karin shaqaale dawladeed oo taabacsan xisbigaasi WADDANI halka shalay badhasaab Qabo aad soo dahwayntiisa moodaysay in uu Gobolka ku soo dhawaynayo Madaxweyne qaran ama Guddoomiyaha KULMIYE.
Si kastaba ha ahaataa wararka la xidhiidha xanta xidhiidhka qarsoon ee Guddoomiye Faysal iyo xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ayaa maalmihii ugu dambeeyey soo shaac baxayay maadaama marba marka ka dambaysa lagu sii dhawaanayo tartanka iyo kaambaynka doorashooyinka sannadka dambe. Siyaasadda KULMIYE ka leeyahay saaxiibtinimada Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso nacaybka Guddoomiye Faysal u qabo Gudoomiye Cirro iyo xisbigiisa WADDANI taasoo ka dhigan qaaciidadii ahayd ‘Cadawgaaga Cadawgiisu Waa Saaxiibkaa’, halka dhinaca kale la filayo in Faysal Cali Waraabe uu KULMIYE u arko karbaash uu ku garaaci karo xisbiga Mucaaridka ugu weyn ee WADDANI oo Faysal Cali Waraabe si weyn ugu kacsan yahay. Lama saadaalin karo natiijada ka dhalan doonta saaxiibtinimada Faysal Iyo KULMIYE