Somaliland: Dalladda SONSAF Oo Cadaysay In KULMIYE Iyo WADDANI Olole U Beddeleen Kormeerkii Goobaha Cod-bixinta.

Date:

Dalladda Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee (SONSAF) iyada oo kaashanaysa madasha Ururada bulshada ee arrimaha doorashooyinka (SCISEF) ayaa cadaysay in xisbiyada Waddani iyo Kulmiye olole siyaasadeed .

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday dalladda SONSAF ayaa sheegtay in xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE bilaabeen olole hoose oo ay isku soo bax samaynayaan taageerayaashoodu,iyagoo muujinaya astaamaha labada xisbi.

“Inkasta oo ay xisbiyada qaranku si weyn uga qeyb qaateen wacyigalinta, dardargalinta iyo dhiirigalinta dadweynuhu iney is-diwaangaliyaan, haddana waxa muuqatey iney ka soo dhex baxeen booqashooyinkii ay ku maraayeen goobaha diwaangalinta iyo gobollada ay ka socotaba iney wadeen olole hoose oo xoogan oo marmarka qaar ay ku muujinaayeen dareen isu soo baxyo waaweyn watey oo khalkhal galin karaayey horusocodka diwaangalinta socotey, gaar ahaan labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo WADDANI, iyada oo ay goobjoogayaasha maxaliga ahi soo gudbiyeen in taageerayaasha labadaasi xisbi adeegsanaayeen astaamo muujinaaya calanka xisbiga iyo hoggaankiisaba, arrintaasi oo ka hor imaneysa habdhaqankii anshaxa suuban ee lagu dhaqaayey ee ay wada saxeexeen saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranku.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Dalladda SONSAF.

Geesta kale,Dalladda SONSAF waxay sheegtay in loo baahan yahay kooxo cilad saarida qalabka diwaangalinta ah oo la kordhiyo,iyagoo sheegay in haddii kale caqabad farsamo ku keeni karto habsami u socodka diwaangalinta.

“Goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay u soo jeedinayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka “KDQ” in la kordhiyo kooxaha cilad saarayaasha ee goobahaasi joogaaya, si loo yareeyo caqabadaha farsamo ee dhici kara ama dhacey, waayo, waxa ay sababi karaan cabaqadahaasi iney dib u dhac farsamo ku keenaan hanaanka wacan ee ay u socoto diwaangalinta codbixiyayaashu. Si gaara gobolka Saaxil, waxa ay ahayd arrin taabatey, waayo waxa jira goobo xeebta durugsan ama buuraleyda ah oo waddo xumida ka jirtaa ay sababtey in kooxaha cilad saarayaashu ay wakhti qaadatey iney soo gaadhaan goobaha qaar oo cilado farsamo ka dhaceen”ayaa lagu yidhi warbixinta qoraalka ah ee ka soo baxday SONSAF.

Dhinac kale dalladda SONSAF waxay goobaha diwaangalinta ee Galbeedka Somaliland abaaro baahsan hayaan,isla markaana dadkii is diwaangalin lahaa ka hayaameen.

“Goobjoogayaasha maxaliga ahi waxa ay soo weriyeen in abaaraha baahsan ee ka dhacey deegaannada galbeedka Somaliland, gaar ahaan labada degmo doorasho ee Gabiley iyo Baligubadle ay saameyn weyn oo taban ay ku yeelatey deegaannadaasi dadka daga, oo niyad jab weyn ku keentay bulshada aaggaasi dagta, taasi oo sababtey in aaney si weyn iskugu soo bixin iney is diwaan galiyaan. Sidaa oo ay tahay haddana, dadka badankiisu wax ay u gudbeen xaggaasi iyo waddanka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, taasi oo caqabad weyn ku noqotey iney dib u soo noqdaan saameynta abaarta awgeed si ay isu diwaan galiyaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay SONSAF ku talineysaa in KDQ, ay tixgalin weyn siiyaan goobahaasi ay abaaruhu saameeyeen, in loo kordhiyo qalabka diwaangalinta ee ku sii hadhaaya goobaha cayiman in la kordhiyo si ay fursad ugu helaan dadkaasi iney isdiwaangaliyaan”ayaa lagu yidhi Warbixinta dalladda Sonsaf.

Si kasta ha ahaatee,Xisbiga Hoggaanka xisbiga UCID ayaa hore labada xisbi ee WADDANI iyo KUlMIYE ku eedeeyay inay kormeerkii diwaangalinta u bedeleen olole siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...