Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Kula Tukaday Shacabka Caasimada Hargeysa Salaadi Roobdoonta…

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shacbiga ku dhaqan Caasimada Hargeysa kula tukaday Salaada Roobdoonta.

Salaada roobdoonta oo dalka oo dhan laga oogay ayaa madaxweynuhu kula tukaday garoonta kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium, Salaadan roobdoonta oo muddo sannad gudihii ah laba jeer madaxweynuhu la tukaday shacbiga gobolada Togdheer iyo Maroodijeex.

Madaxweynuhu salaada ka dib waxa uu ku duceeyey in illaahay ka aqbalo baryadaa ummadda, raxmaadkiisana si degdeg ah ugu shubbo.

Ka hor madaxweynaha waxa khudbad ku saabsan roobdoonta halkaa ka jeediyey wasiirka diinta iyo awqaafta oo dadka tukiyey, waxaanu ku baaqay in lays wada cafiyo ilaahayna loo toobad celiyo.

Sheekha waxa ka mid ahaa hadaladiisa in kulaylkan iyo abaaruhu ay yihiin dunuub dadka ka timid oo ay ka toobad keeni waayeen, dhibaatada ka timid dunuubtaasina ay saamaysay bahaayinka iyo makhluuqa kale ee xayawaanku ka mid ka yihiin ee ay gaadhay.

Sheekhu waxa uu ku adkeeyey in lays caawiyo oo la isu gargaaro laysna taakuleeyo cidiba ciddii ay ka heyn roontayna ay wax ku taakulayso dadkaa tabaalaysan.

67190_929075920539595_523270976018721000_n 942288_929075900539597_6620831428116700610_n 10653564_929076347206219_1214984103945238422_n 12376658_929075773872943_5065966547845744339_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...