Somaliland: Kulan Lagaga Arrinsanayey Sida Ugu Habboon Ee Looga Hawlgelayo Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Ee Gobolada Bariga Somaliland Ayaa Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland

Date:

Kulan balaadhan oo lagaga arrinsanayey sida ugu habboon ee looga hawlgelayo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada bariga Somaliland, ayaa ku qabsoomay maanta qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Kulankan oo uu gidoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha xisbiga ucid, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye, Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka mida golaha wasiirada iyo masuuliyiin ka tirsan Asxaabta qaranka iyo badiba xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka.

Iyadoo lagu xisaabtamayo waayo aragnimadii laga helay gobolada ay ilaa hadda ka soo qabsoontay diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo gobolka maroodi-jeex oo ah gobolka ugu tirada badan gobolada oo dhawaan la gudogelayo diwaangelinta codbixiyeyaashiisa, ayaa la isku raacay in xooga la saaro, loona guuro hawsha diwaangelinta gobolada bariga dalka.

Warbixinaha la soo jeediyey waxa ka mid ahaa in dadka gobolada bariga ku nooli ay diyaar u yihiin isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, dib danbaysana aanay u aqbalidoonin xildhibaan ku yimid isxambaar, oo dadka uu metelayaa aanay soo dooran.

Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabihii la isla qaatay in la xoojiyo maamulka dawladnimo, oo maalinba maalinta ka danbaysa ku sii fidaya deegaamadaasi, muwaadiniinta goboladaasina ay u heellan yihiin, wax la qabashada dawladda.

Geesta kale waxa la gudoonsaday in wacyigelin horleh oo balaadhan kuna waajahan diwaangelinta codbixiyeyaasha loo-lahaado deegaamada bariga Somaliland, lana hawlgeliyo ardayda jaamacadaha Nugaal iyo Sanaag, NGO-yada deegaanka, Madax-dhaqameedka, Duqayda iyo waxgaradka deegaamada laga hawlgelayo, sidii gobolada hore ee diwaangelintu ka qabsoontay ahaayeena, dhamaan gaadiidka loo isticmaalayo hawlahaasi ay ahaadaan mid ay leeyihiin dadka deegaanadaa diwaangelintu ka bilaabmayso.

Dhinacooda xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka waxay sheegeen, inay si buuxda diyaar ugu yihiin ka hawlgalka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha e deegaamada bariga Somaliland, sida ugu dhakhsaha badana ay uga hawlgelidoonaan.

Madaxweynaha oo soo gebegabeeyey kulankaas ayaa bogaadiyey sida ay ilaa hada u socoto hawsha diwaangelinta codbixiyeyaashu, waxa klae oo uu ku dardaaray in la-laba jibaaro lana dedaalo hawsha isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo uu ku tilmaamay mid masiiriya oo aayaha ummaddu ku fadhiyo.

3-44 2-58 5-31s

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...