Somaliland: Madal Ku Cusub Saaxadda Dhaqanka oo Shalay Cumaammadda Lagaga Wareejiyey Suldaankii Guud Ee Subeer Awal, Mid Cusubna Lagu Caleemo Saaray “

Date:

“Suldaanka Guud   Laguma Haysto Cumaamada Laakiin   Saldannadii Loo Doortay 1998-Kii Illaa Maanta   Ku Sime Uun Ahayd”

Munaasibad balaadhan oo shalay lagu qabtay hoolka Green plaza ee magaaladda Hargeysa, ayaa la sheegay in lagu bedelay suldaankii guud ee Beelaha subeer Awdal, isla markaana suldaan cusub oo noqon doona suldaanka guud ee beelahaasi lagu caleemo saaray. Munaasibadan oo si heeer sare loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgallay dad lagu qiyaasay kun qof oo iskugu jira madax dhaqameedka, Odayaasha, dhalinyaro iyo haween ka soo jeedda beesha Cabdalle siciid ee Sacad Muuse oo uu suldaanka guud ee Subeer Awal ka soo jeeddo, waxanay madasha ku ansixiyeen caleemo saarka suldaanka cusub ee beeshaasi yeelan doonno, isla markaana lagu bedeli doono suldaankii hore ee Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

Cuqaasha beesha Cabdalle siciid ayaa suldaankii guud ee hore suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi  ku eedeeyeen inuu taladdii reerka ka leexday, isla markaana la tashan waayey madax dhaqameedka reerka, taasina ay noqontay in sumcaddii sandanadda la ilaaliyo. Tobaneeye caaqil iyo Jiif caaqilo iskugu jira ayaa sheegay in Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal laga bilaabo maanta loo caleemo saaray Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan.

Suldaanka cusub ee Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu ku shaqayn doonno taladda madax dhaqameedka, isla markaana la tashan doonno waxgaradka beesha leedahay, waxaanu sheegay in beelaha kale ee walalaha yihiina nabadgalyo iyo walaaltinimo ku wada noolaan doonnaan. Caaqiladii iyo Odayaashii ka hadlay munaasibada waxa kamid ahaa Jiif Caaqil Maxamed Cabdilaahi Cal, Caaqil Cabdilaahi Cali Cabdi, Caaqil Baaruud, Marwo Faadumo Yuusuf, Caaqil Aadan Qodax, Oday Xasan Maxamuud Caydiid, Caaqil Maxamuud Cali, Oday Rashiid Sheekh Axmed, Oday Cabdirashiid Ismaaciil Xasan oo dhamaantood sheegay inay taageersan yihiin suldaanka cusub ee la caleemo saaray.

Ismaaciil Cige (Ismaaciil Caymis) oo ku hadlayey afka Aqoonyahanka ayaa sheegay in sandanadda subeer awal tahay mid facweyn oo boqolaal sanno soo jirtay, isla markaana loo baahday qof wadi kara oo ku hadli kara magaca guud ee Sandanadda.

“Saldanadda subeer Awal waa mid fac weyn waa tii la odhan jiray Subullaha ilaa Saaxil, in badan baa la iska soo dhaxlay, markii Suldaan Cabdiraxmaan geeriyooday oo ah suldaan cusub awoowgii waxa suldaan noqon lahaa suldaankan cusub Aabihii oo Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo curadkii Suldan Cabdiraxmaan ah, haseyeeshee waxa loo leexiyey suldaan Cabdilaahi oo Suldaan Xasan Aaabihii ah, markii Suldaan Cabdilaahi geeriyooday waxa noqon lahaa  curadkiisa oo nasiib daro waxa loo leexiyey suldaan Cabdirisaaqa maqan,  mar haddii uu iman waayey suldaankii xilkan lahaa oo in badan lala hadlay waxa u bedelaynaa suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan maadaama oo horeba usoo bed bedelantahay oo Suldaan Cabdirisaaq walaalkii Xasan ku wareejiyey ayaanu anaguna ku wareejinay suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan”.

Waxaanu intaas ku daray “Suldaan Cabdirasaaq waa suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, laguma haysto, laakiin waxa nasiib darro noqotay sanadkii 1988 kii ayaa loo doortay suldaanka guud maanta waxa la marayaa mudadaas aad arkaysa saldaladdu ku sime uun bay lahayd, sandanaduna maaha inay banaanaato oo suldaankii oo aaskiisa la jooga ayaa markiiba mid kale la caleemo saara, marka inta uu imanayo isaga ku meel gaadh ahaan u haynaya suldaanka guud ee Subee Awal”

Gabogabaddii waxa soo xidhay suldaanka cusub ee loo caleemo saaray suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awdal, waxaanu sheegay inuu noqonayo suldaan dadkiisa iyo caaqiladdaba dhagaysta.

Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan isagoo munaasibadda ka hadlaya waxa uu yidhi “qof kasta oo bani’aadama oo xil loo dhiibo waxay ku qurux badan tahay in lala shaqeeyo oo taladda la siiyo isaguna noqdo mid qaadanaya, dadka qurbo jooga waxan leeyahay  dalk abaar baahsan baa ka jirta oo u baahan in la caawiyo kaalntiina wali way maqan tahay ee ku dadaala sidiii dadkaasi u soo caawin lahaydeen, marti qaad rasmiya waxaan u fidinayaa dhamaan cuqaasha  ee beesha Subeer Awal ”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...