Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Calankii Somaliland oo wadamo badan ka taagnan Jiray wakhtigii Xukumadihii hore dalka Xukumayeen in Dawlada Siilaanyo mudadii ay xilka haysay ku soo ururisay Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.
Waxaanu Tilmaamay in taasi ina tusayso in dib u dhac uu dalku galay mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Siilaanyo.
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu hadal ka jeedinayey Xaflad lagu furayey Xafiis Cusub oo dawlada Jabuuti ku yeelan doonto Hargeysa.“ Maanta Callanka Somaliland Labbo Waddan Oo Kali Ah Ayuu Magaalooyinkoodda Ka Taaggan Yahay,Waanna Jabuuti Iyo Ethopia” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe