Somaliland: Kulan Dhexmaray Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradda Oo Lagu Soo Bandhigay Laba Qodob Oo Caqabad Ku Ah Guushiisa Doorashadda 2017-ka

Date:

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ahna murashaxa madaxweynaha xisbigaasi Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa niyad jab ka muujiyey suurto-galnimada inuu ku guulaysto talada madaxweyne-nimo ee dalka, waxaana uu soo bandhigay laba qodob oo dabar ku ah sidoo kalena aas aas u ah sababaha keenaya in aanu marnaba ku guuleysan doonin dorashooyinka foodda inagu soo haya ee la filaayo in ay dalka qabsoomaan horraanta sannadka dambe ee 2017ka.

Illaa hadda ma jiraan warar amuurtan  la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka Mujaahid Muuse Biixi, balse sida uu wargeyska Ogaal ka helaayo ilo-wareedyo xog-oggaal ah,  ayaa sheegaya in kulan is-xog waraysi ah oo guddoomiye Muuse Biixi magaalada Hargeysa kula yeeshay qaar ka mid ah aqoonyahanka, dhallinyarada, iyo ardayda jaamacadaha dalka uu ku soo bandhigay xaaladda xisbiga iyo rejadiisa mustaqbal, waxa kale oo wararku tilmaamayaan in guddoomiye Muuse Biixi uu sheegay in aanu marnaba xilka uu hayo ee guddoomiyenimo iyo murashaxnimo-toona aanu abaal ugu haynin reerkiisa iyo weliba sida oo kale xukuumadda uu ka tirsan yahay, balse taa bedelkeeda uu isagu dedaalkiisa, dulqaadkiisa iyo biseylnimadiisa siyaasadeed ay halkaas soo gaadhsiisay.

Wararku waxa ay tilmaamayaan  in su’aalo furan oo halkaas lagu weydiiyey Muuse Biixi Cabdi, ay keentay in uu si cad uga badheedho sababaha uu u aanaynaayo in aanu talada  dalka marnaba ku guulaysan Karin, waxaana uu kaalinta koowaad ka dhigay xukuumadda Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay isaga oo sheegay in aanu marnaba la dhacsaneyn sida oo kalena aanay isla jaanqadeyn hab nidaameedka maamul ee xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo isla mar ahaantana ay caqabad ku tahay in uu si xor ah oo madaxbannaan u dareenkiisa uga muujiyo xaaladda siyaasaddeed ee dalka, waxa kale oo guddoomiye Muuse uu caqabadda labaad ka dhigay  in ay tahay dhaqaale la’aan soo food saartay xisbigiisa, isaga oo carabka ku dhuftay in aan xidhiidh ka dhaxeynin xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye isla mar ahantaana aanu wakhti xaadirkana haynin dhaqaale ku filan oo u ku galo doorashooyinka foodda inagu soo haya.

Geesta kale si aanu xogaha u xaqiijino, ayaa waxa aanu isku daynay in aanu xidhiidh la samayno guddoomiyaha xisbigaasi iyo weliba sida oo kale mas’uuliyin kale, balse marna noomay suurto-gelin in aanu helno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...