Somaliland: Cabdirashiid X. Mataan Oo Saylici Ku Eedayay Inuu Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Ku Tilmaamay Shisheeye

Date:

Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland ugu baaqay in uu xaal siiyo muwaadiniin ay abaarahu saameeyeen oo uu sheegay in madaxweyne xigeenku uu ku tilmaamay in aanay ahayn dad muwaadiniin ah isla mar ahaantaana laga hor istaagay in la siiyo deeqahii looggu gurmanaayey dadka abaarahu saameyeen ee ku nool goballada galbeedka Somaliland, isaga oo sida oo kalena tilmaama in deeqahii abaarahu aanay si toos ah  gaadhin dadkii ay abaarahu saameeyeen.

Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa hadalka ka sheegay shi-jaraa’id oo uu ku qabtay Boorama ka dib socdaal uu ugu kuur gelaayey xaaladda abaareed oo uu ku tagay goballada Galbeedka Somaliland sida oo kalena u deeq gaadhsiyey dadkii ay abaarahu saameyeen ee uu la so kulmay, waxaana uu ugu horreyn ka dayrinayaa sida ay xukuumaddu u sahashatay abaaraha ka taagan deegaanada galbeedka Somaliland.

“Intii ay xukuumaddani magacowday guddiyada abaaraha, kumay jirin guddiyo heer gobal oo kala hawl-gala xaaladd abaaraha gobalka Awdal, umaddu waxa ay dawladnima u raadisaa in ay awood u noqoto gaar ahaan mara ay ku dhacaan masiibooyin dabiici ahi ay yimaadaan, in la helo gurmadkii loogga baahnaa xukuumaadda, waxa aan halkan baaq xukuumadda, waxa aan lee yahay xukuumadeey shacabkan idinka ayey mas’uuliyadi idin ka saran tahay, dalka cashuurtiisa idinka ayaa qaada, awooda dalka mas’uuliyaddiisii idinka ayaa haya, mas’uuliyadduna idinka ayey idin saaran  tahay e’ waar abaarahan ha loogga gurmado dadka qaadhaankii dada laga soo ururiyeyna ama dalka dibaddiisa ha ahaaddo ama gudahiisee dadka jilicda san ha wad gaadho, maamul xumo ayaa halkaas ina dhigtay arrin xumo abaar ka daran, abaarta ina haysaa waa arin so billaaban tay shan sanno ka hor markii ay talada dalka la wareegeen xisbiga Kulmiye, waayo haddii cadaalad iyo nidaam wanaagsan la waayo waxa la kala qaadaa waa cuqdad, inkaar iyo colaad, welina waxa socda cadaalad darro iyo musuqmaasuq aan dadkii la gaadhsiineyn wixii la rabey. Waxa runtii wax aad iyo aad looga xumaado ah xukuumad tidhi waxa aau u gurmaneynaa abaar oo madaxweyne ku xigeen iyo sagaal wasiir isku soo raacay kaalmadii ay meesha la yimaadeena ay noqoto 25 kartoon o timir ah, gurmadku maanta waxa uu ka yimi gudaha gobalka  Awdal, waxana ayaan darro ah in xukuumadda jirta aanay dareensaneynba in dalka abaaro ka jiraan.”.Ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan

Xoghayaha warfaafinta WADDANI, waxa uu dhalliil xoogga u soo jeediyey madaxweyne xigeenka Somaliland oo uu sheegay in uu ku gefay dad ay abaarahu saameeyeen, waxaana uu ugu baaqay in uu  xaal mariyo dadkaas.

“Arrinta kale madaxweyne xigeenku waxa u yidhi dadkani waa safar, Somaliland dastuurkeeda ayaana ay ku qoran tahay cidda Somalilanderka ah iyo cidda aan ahayn, dadkeenu waa reer guuraa dhinaca uu doonaba ha u guuro e’ in dalka loo sheegtaana waa wax dembi ah, waana arin fool xun runtii oo u baahan in madaxweyne ku xigeenku uu ka bixiyo raali-gelin.”.Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...