Somaliland: “Haddii Aanu Somaliland Nahay Wixii Dalkayaga Difaaciisa Khayr Ugu Jiro,diyaar ayaanu u nahay, waana aanu difaacaynaa” Madaxweyne Silaanyo oo Dalka ku Soo Laabtay

Date:

Madaxweyne Silaanyo  Oo Ka Hadlay Askari ka Tirsanaa Ciidammada Ilaaladda Xeebaha Somaliland  Oo Ay Dileen Ciidanka Badda Ee Djibouti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay markii u horeysay ka hadlay hawl-gal ay ciidammada badda ee  Jabuuti ay ku  dileen askari ka tirsan ciidammadda xeebaha mid kalena ku dhaawaceen dhawaan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal shaqo oo qaatay muddo afar maalmood ah oo uu  ku tagay dalka Kuwait.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyadda, waxaanu ka warramay booqashadiisii Kuwayt iyo kullamadii uu la yeeshay madaxda dawladda Kuwait oo uu ugu horeeyo boqorka dalkaasi.

“Waxaan safar afar maalmood ah   aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaas  joogay waxaan  kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyo  amiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.  waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan  si gaara uga mahad-celiyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxal-galka ah ee boqortooyada Kuwait  ka fulisay dalka,  kuwaas oo shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan-yihiin.Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo, ugana soo jawaabi doono si dhakhso leh,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaas ku daray

“Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyo Guddomiyaha Guddiga maamulka hay’adaha  khayriga, ahna La-taliyaha  amiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.

Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga  gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahayd  taakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku la soo darseen.”

“Waxaan gabo-gabadii  kulan xog waraysi  la yeeshay  jaaliyada Somaliland ee dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.”

Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay mowqifkiisa la xidhiidha tallaabadii ay ciidamadda xeebaha Jabuuti ku dileen askari ka tirsan ciidammada xeebaha Somaliland, midna kalena ku dhaawaceen jasiiradda Ceebaad ee Somaliland, waxaanu ku jawaabay

 “Ciidamada Jabuuti iyo Somaliland-ba wixii dhex maray  annagu haddii aanu  Somaliland  nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani  ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa inshaalaahu Tacaalaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...