Somaliland: Wefti Ka Socda Dalka Imaaraadka Carabta Oo Magaalada Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Ujeedada Socdaalkooda Oo Ay Gudo Galeen

Date:

Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta  hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay  wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).

Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu  hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta & Awqaafta, oo booqasho ku yimid dalka  saaka.

Madaxa waftiga ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport ilaa iyo intii uu maraayay xarumaha dawladda Somaliland ee uu  boqday.

Madaxa waftiga hogaaminaayey  Mudane  Maxamed Madar Saalim Al-kacbi  wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaa  dhowr iyo soddon sano ka hor  goob lama degaan ah oo  faqri iyo aqoon darro  taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa waftigu hogaaminta wanaagsan ee sheikh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halkan ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay ku  hogaaminayaan dalka Somaliland.

Wuxuu intaa  ku daray in waxkasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalka Imaaraadku kala hadhaynin dalka Somaliland oo  uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah.

Isagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka hawl-gala Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargaysa, sidoo kalena ay jaamacada hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaamiga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ay  heshiis kala saxeexanayaan   maamulka sare ee Jaamacada Hargaysa.

Madax waftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyay  hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka arkay dalka intuu  ku sugnaa.

Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha  Madaxwaynaha wuxuu si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku tilmaamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan intan abaarta ba’ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haatana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin oo  loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.

Waxaanu raaciyay ku simaha Madaxwaynuhu in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dadiina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.

Ugu Danbayntii  ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in mahadnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga Maxamed  Madar  iyo Hay’ada Sheikh Saa’id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.

Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeyeen xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaafinta JSL Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo si gaara uga waramay xaalada abaarta  dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta Marwo Shurgi Xariir Ismaciil, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.

Waxay kale oo ay mareen waftigu xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee hargaysa oo ay warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, waxay kaloo mareen xarunta jaamacada hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud  Yuusuf   oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaa  hormoodka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.

Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.

Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

3-35 7-18 12-3 13-2 15-1 10-7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...