Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Date:

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu  ka dhan ah Ururka Al-shabaab-ka ka dhex dagaalama gudaha dalka Kenya kaddib markii uu kulan la qaatay hay’addaha Ammaanka dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ku dhawaaqay in dowladda Kenya ay sameysay xarun loogu tala galay in lagu Keydiyo dadka soo galiya gudaha Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya si aysan ugu soo dhex dhuuman Al-shabaab.

Hay’addaha Ammaanka iyo guddoomiyayaasha gobollada  ayuu ku amray in ay fuliyaan howlgallo joogto ah oo lagula dagaallamaayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in haddii ay qabtaan Al-shabaab aysan xiri doonin isagoona sheegay in ay dili doonaan ka dibna ay aasi doonaan.

Kenyatta ayaana dadka Kenyaanka ah uga digay in ay gur-yahooda ay ku qariyaan dagaalyahana Al-Shabaab.

Isagoona ugu baaqay dadka degan magaalo xeebeedka Lamu in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay geysanayaan Alshabaab.

Baaq madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan Al-Shabaab weerar Khasaare badan dhaliyay ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi,halkaasoo ay ku dileen 21 qof , sidoo kalena ay ku dhaawacmay ku dhawaad 40 qof.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...