Wefti uu Hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa Shalay kormeer ku soo sameeyey goobaha diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka socoto ee hoos yimaada Degmada Allaybaday.
Ujeedada kormeerka weftiga oo ahayd u kuur galka habsami u socodka diiwaangalinta codbixiyeyaasha ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Gaydh, Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi iyo masuuliyiin kale.
Tuulooyinka ay weftigu kormeerka ku soo mareen oo ka tirsan Degmada Allaybaday ee masuuliyiinta goobta ku sugnaa warbixinta ka siiyeen ayaa waxa ka mid ah Geed Abeera, Xidhinta, Tincade iyo Dhawr xarumood oo ku dhex yaala Magaalada Allaybaday, waxaana shaqaalaha hawshan gacanta ku hayaa weftiga ka siiyeen warbixino, iyaga oo sheegay in si habsami leh u diiwaangalinayaan oo aanay carqalado waaweyn oo shaqada ka joojiya la kulmin, marka laga tago cilado koob kooban oo mararka qaar keenaya in dadku wakhti dheer sugaan.
Guddoomiyaha degmada Allaybaday Dr. Cabdi Daa’uud Ibraahim oo weftiga warbixin ku siiyey xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in diiwaangalintu ka socoto deegaanada hoos yimaada Degmada Allaybaday, isla markaana ku dedalayaan sidii ay bulshada ugu wacyigalin lahaayeen inay is diiwaangaliyaan.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay dadkii Abaar ku dhufatay keentay inay ku yaraadaan joogitaanka deegaanadan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya
“Isdiiwaangalintii codayntu waxa ay ka bilaabantay 14 goobood oo hoos yimaada degmada Allaybaday, waananu ku dedaalaynaa inaanu wacyigalin siino bulshada in kasta oo aanay dadka badankoodii joogin deegaanka oo ay abaaro saameeyeen keeneena inay meelo badan oo Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo xeebtu ka mid tahay u hayaamaan, hadana waxaanu ku dedaalaynaa inaanu bulshada wacyigalin siino in kasta oo ay abaartu si weyn ugu qufulantay dadka deegaanka”.
Guddoomiyaha degmada ayaa sidoo kale sheegay inay bulshada iskaga Axsaabta iyo is diiwaangalinta, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya
“Mushkilada jirta dadka marka la wacyigalinayo waxa isaga khaldan axsaabtii iyo is diiwaangalintii abaarta awgeed dadkii badankoodiina way naga qaxeen oo ma joogaan”.
Degmada Allaybaday ayaa ka mid ah deegaanada laga bilaabay diiwaangalinta codbixinta, iyada oo ka tirsan deegaanada Wejiga sadexaad lagu diiwaangalinayo, waxaanay Wejigii Koowaad ka soo dhamaatay Gobolka Togdheer, iyada oo Wejigii labaadna ka soo dhamaatay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.