Ciidamada gaarka loo tababaray ee la dagaalanka argagixisada ee RRU ayaa xalay xilli danbe gurigeeeda ugu daatay marwo Saado Jaamac oo ah gudoomiyihii Hore ee ururka haweenka Now ee gobolka Saaxil islamarkaasi soo Qafaashey iyadoo aan la garaneynin halka ay Geyeen.
Ilaa hadda ma cada Sababta ka danbaysay inay ciidamadaasi marwo saado gurigeeda ugu daataan oo ay Xabsiga u Taxaabaan, balse Marwo Saado Jaamac Waxa Xadhigeeda la la xidhiidhinayaa inay ka danbaysay Marwada Madaxweyne Silaanyo Aamino waris ay ku kale Aragti duwanadeen Siyaasada.
Marwo Saado Jaamac ayaa iyadu ka tirsanayd xisbiga talada haya ee Kulmiye, iyada oo sida la sheegay Saado ay rabtay inay u Digo Rogato Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,isla markaana ay masuuliyiinta wadani ay qaban qaabinayeen xafladii soodhawaynta ahayd ee lagu soo dhawaynayay marwo Saado Jama iyo siyaasiyiin kale.
Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in marwo Saado Jamaac losoo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada hargeysa oo ay ku xidhan tahay .Balse ilaa hadda ma cada sababta rasmiga ah ee ka danbaysay xadhiga lagula kacay marwo Saado Jaamac