Kooxdan Dilka lagu xukumay dadkay Dileen waxa ku jiray Wariye Axmed Saki Ilyaas
Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa 23/02/2016-ka xukuno Dil iyo xadhig isugu jira ku riday kooxdii Dilalka qorshaysan ka fulin jirtay magaaladda Laascaanood, isla markaana dishay Wariye Axmed Saki Ilyaas oo ka tirsanaan jiray Telefishanka Universal isla markaana ahaa wakiilka Ururka SOLJA iyo C/raxmaan Ismaaciil Saleebaan (Nuune), oo ahaan jiray Askari dhar-cad ah.
Sidoo kale, Kooxdani waxay dhaawac halis ah gaadhsiiyeen Xildhibaan C/casiis Xuseen Maxamed (Ina Xuseen Taarwale), kaasoo ay ugu talo galeen inay khaarajiyaan balse ka kacay dhaawacii ay u gaysteen, kadib markii qaliin lagaga sameeyey rasaastii ay ku fureen.
Gacan ku dhiiglayaasha Dilka lagu xukumay waxay kala yihiin C/fataax Sulub Aadan oo gacanta lagu hayo, iyo sadex maqan oo kala ah Caynaanshe, Cali iyo Xasan oo dhamaantood ahaa koox isku xidhan oo Dilalka fulin jiray, halka ay xukuno shan sano illaa shan iyo toban sano u dhaxeeya lagaga riday koox iyana taageeri jirtay.
Kooxda taageeri jirtay ee ay Maxkamadda sare xukuntay oo laba qayb ood ahayd waxay min shan sano ku xukuntay Saddam Xasan Xuseen, C/casiis Axmed Cali, C/qani Cali Xuseen, Khaliif Ibraahim Jaamac kuwaasoo dhamaantood xabsiga ku jira, halka Maxkamaddu xukunkaas ku riday Maxamed C/laahi Salaad oo maqan.
Sidoo kale waxay maxkamaddu min shan iyo toban sano ku xukuntay Xaliimo Iidle Cali oo la xukumay iyadoo maqan isla markaana la wariyey in ay Puntland dishay kadib markii ay ku qabatay Dil kale oo ay koox ay ku jirtaa ku riday Nin sheikh ahaa, halka Cibaado Iidle Cali iyada Somaliland hayso, kuwaasoo lahaa guriga laga soo abaabuli jiray Hawl-galada.
Dilalkii qorshaysnaa ee ay kooxdani fulin jirtay ayaa istaagay kadib markii la qab qabtay, inkasta oo ay wali jiraan baqdin mararka qaarkood laga cabsi qabo qaarkood.