Somaliland: Dawladda Turkiga oo Sahamin Maal-gashi ku Samaynaysa Madaarka Hargeysa iyo Dekedda Berbera

Date:

Waxay ka dhisaysaa Terminal caalami ah oo ku kacaya shan iyo labaatan Milyan oo Dollar

Dawladda Turkiga ayaa usoo dirtay madaarka Hargeysa iyo Dekedda Berbera khubaro ku samaynaysa qiimayn si ay Maal-galin ugu sameeyaan, waxaanay sadexdii maalmood ee u danbeeyey ku hawlanaayeen daraasadda labadaas mashruuc.

Illaa hada xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Turkiga mid kood na kama hadal hawshan, hase yeeshee ilo wareedyo la kulmay khubarada ayaa Waaheen u sheegay in khubaradu madaarka Hargeysa ka wado qiimaynta Terminal lagau qiyaasay in uu ku kacayo shan iyo labaatan milyan oo Doolar.

Sidoo kale, waxay ilo wareedku sheegeen khubarada Turkigu inay safar ku tageen dekeda Berbera, halkaas oo ay ka soo samaynayaan xog ururin la xidhiidha baahiyaha ka jira dekedda haddii ay tahay dhisme balaadhan ah iyo haddii ay tahay qalabayn. Dawladda Turkiga ayay wararka laga helayaa sheegayaan inay usoo jeedsatay Somaliland, isla markaana ay si dhab ah uga biaabo doonto mashaariicdan oo ay iyagu fulin doonaan, waxaana rajo fiican laga qabaa Turkigu inay niyad u hayaan inay maal-gashadaan Somaliland.

Dawladda Kuwait ayaa madaarka hargeysa u samaysay Dhabada diyaaraduhu ka haadaan, iyadoo bixisay toban milayn oo Dolar oo wax weyn ka tartay soo jiidashada diyaaradaha kala duwan ee dunida, haddii Turkigu Terminalkan ku dara-na waxa uu madaarka Hargeysi noqon doonaa marinka ugu weyn ee ay iskaga gooshaan Duulimaadyada Caalamku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...