Somaliland: Wada Hadaladii Waddani Iyo Isbahaysiga Kulmiye Oo Si Rasmi Ah U Furmaya Iyo Maxamed Biixi Oo Lala Sugayo

Date:

Wada hadaladii u furmayay xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa la filayaa inay toddobaadka dambe si rasmi ah u bilaabmaan, waxaanu dhinac waliba magacaabayaa guddi kooban oo bilowda wada hadalka.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiguba ay diyaarsadeen guddigii uga qayb geli lahaa wada hadalada, waxaana la sugayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo la filayo inuu toddobaadkan bilaabmaya soo gaadho magaalada Hargeysa si uu saaxiibadiisa isbahaysiga u xoojiyo, kalana qayb galo bilowga wada hadalada.

Siyaasiyiinta Isbahaysiga ayaa wada hadalkan ay la galayaan xisbiga Waddani, wuxuu u muuqdaa inuu ka duwanyahay wada hadaladii ay hore ula galeen xisbiyada qaarkood, waxaana la dareemayaa diyaar garowga ay ugu jiraan sidii ay xisbiga Waddani ula geli lahaayeen wada hadal adag.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in siyaasiyiinta isbahaysigu ay aakhirka si rasmi ah ugu biiri doonaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyagoo xisbigas ku kordhin doona cudud, maadaama oo ay ka soo kala jeedaan deegaano kala duwan oo ay miisaan ku leeyihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...