Somaliland: “Mucaaridku Waxay Wax Ku Heli Karaan Barnaamij Siyaasadeed Oo Muuqda Oo Dadku Ku Qancaan”

Date:

Xildhibaan Cabdixakiim   Cumar  Budeeye  oo   ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka marag furay Wax qabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka hir galisay oo uu ku tilmaamay in ay tahay Xukuumaddii ugu wax qabadka badnayd ee dalka soo marta isla markaana Madaxweyne Axmed  Siilaanyo ku hambalyeeyay hoggaaminta wanaagsan ee uu dalka ku hagayo.

Waxaanu xisbiyada Mucaaridka u soo jeediyay in ay la yimaadaan siyaasad cad iyo   barnaamij dadka u cuntama oo lagu dooran karo  kana waan toobaan hadalada aan wanaagsanayn ee ay ku mucaaridayaan waxqabadka Xukuumadda.

Xildhibaan Budeeye oo Shalay u Waramayay wargeyska dawan, ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in laga marag furo wax qabadka wanaagsan iyo horunarka dhan walba leh ee ay dalka ka hir galisay intii ay Xukuumadda KULMIYE talada haysay.

Cabdixakiim Cumar Budeeye oo arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Xukuumada talada haysaa waa xukuumaddii ugu wax qabadka badnayd  dalka soo marta waxaana gadhwadeenka ka ah Mdaxweyne  Axmed  Maxamed Maxamuud  Silaayo  oo ah siyaasi wadanka aqoon u leh dalka oo aanay jirin cid gaadhi karta mustawihiisa siyaasadeed,   waxay  Xukuumada KULMIYE qabatayna maaha wax la qarin karo hadday tahay caafimaadka, biyaha iyo arimaha bulshadaba   waxaanan  Madxweynaha ku hambalyaynayaa idaacadda quraanka ah ee afar iyo labaatanka saacadood la dhagaysanayo qof walibana wax buu ka tegayaa oo madaxtinimada   dalka soo qabtaa.dalkana waxa uu ku hogaaminayaa Madaxweyne Siilaanyo si daacad iyo  xilkasnimo.”

Xildhibaanku waxa uu sigaara u amaanay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  oo ku tilmaamay siyaasi ruug cadaaya oo ka soo baxay hawshii uu qaranka u hayay.waxaanu yidhi “Wasiirka  Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  waa shakhsi khibrad u leh shaqada uu hayo waa Wasiir shaqadiisa ka soo baxay intii u hayay  xilka wasaarada Madaxtooyadana shaqo wayn ayuu qabtay ,waxaana aan aamin sanahay  in uu kasoo baxay hawshii uu qaranka u hayay waanan ku hambalyaynayaa.waana in la sheego shakhsigii wax qabta ee dalka masuul looga dhigo lamana xaqiro qofka wax qabta  waxaanan  odhan lahaa Wasiirka Madaxtooyadu shaqo wayn ayuu qabtay hadday wasaarada gudaheeda tahay iyo haday tahay Madaxtooyada waanu ka soo dhalaalay waajibaabkiisii markii uu wasiirka duulista ahaana wax wayn ayuu qabtay madaarka Hargeysa  oo waxa uu dhisay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan soona fadhiistaan ee  madaarka  oo uu dheereeyay,’’ayuu yidhi .xilhibaanku.

Xildhibaan Budeeye waxa kale oo  uu sheegay  in Xisbiyada mucaaradka aanay wax ba  ku helayn  qabyaalada ay umadda ka dhex wadaan.waxaana uu usoo jeediyay in ka waantoobaan qabyaalada.

“Xisbiyada mucaaridkana waxaan leeyahay waxba ku heli maysaan  qabyaalad aad  umadda ka dhex wadaan ee waxaad wax ku helaysaan barnaamij siyaasadeed oo muuqda oo dadku ku qancaan,laakiin dawladi ma jirto  iyo wax la mid ah taasi mucaaradnimo maaha wax soconayana maaha waxbana keeni mayso in mucaaradnimada qabiilnimo loo adeegsado waxa aan leeyahay dadka qabyaalada halaga daayo,’’ayuu yidhi.xildhibaan Budeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...