Somalia: Qarax Sababay Dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Qarax xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacaygoob  makhaayad ah, taasi oo ku taala ka soo horjeedka xarunta gaadiidka booliska ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdish-Somalia.

Qaraxa ayaa ahaa lagu soo xiray gaari nooca Surf ah, isla markaana qarxay xilli uu dhinac yaalay makhaayadda, halkaasoo ay fadhiyeen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka booliska.

Seddex sarkaal ayaa la sheegayaa in ay ku nafwaayeen iyo haweeneydii laheyd makhaayadda, iyadoo qof-kii waday gaariga qaraxa lagu soo xirey isagoo dhaawac halis ah ay gacanta ku dhigeen booliska.

Jeneraal Cali Gaab oo ah taliyaha booliska gobalka Banaadir-Somalia ayaa sheegay in seddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, halka ninkii is qarxinayay oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay.

Jeneraal Cali Gaab ayaa intaasi ku daray in booliska ay saaka qabteen mooto nooca bajaajka ah oo lagu waday waxyaabaha qarxa, isla markaana saddex nin oo la socotay ay mid ka mid ah ay gacanta lagu dhigay, halka labada kale ay baxsadeen.

Qaraxan ayaa ah kii u horeeyey tan iyo markii amniga Muqdfisho lagu wareejiyey maamulka Gobolkja Banaadir.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...