Qarax xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacaygoob makhaayad ah, taasi oo ku taala ka soo horjeedka xarunta gaadiidka booliska ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdish-Somalia.
Qaraxa ayaa ahaa lagu soo xiray gaari nooca Surf ah, isla markaana qarxay xilli uu dhinac yaalay makhaayadda, halkaasoo ay fadhiyeen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka booliska.
Seddex sarkaal ayaa la sheegayaa in ay ku nafwaayeen iyo haweeneydii laheyd makhaayadda, iyadoo qof-kii waday gaariga qaraxa lagu soo xirey isagoo dhaawac halis ah ay gacanta ku dhigeen booliska.
Jeneraal Cali Gaab oo ah taliyaha booliska gobalka Banaadir-Somalia ayaa sheegay in seddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, halka ninkii is qarxinayay oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay.
Jeneraal Cali Gaab ayaa intaasi ku daray in booliska ay saaka qabteen mooto nooca bajaajka ah oo lagu waday waxyaabaha qarxa, isla markaana saddex nin oo la socotay ay mid ka mid ah ay gacanta lagu dhigay, halka labada kale ay baxsadeen.
Qaraxan ayaa ah kii u horeeyey tan iyo markii amniga Muqdfisho lagu wareejiyey maamulka Gobolkja Banaadir.