Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Xaalad Caafimaad Ku Timid “Madaxweynahu Wuxuu Habeen Hore Ka Dhacay Kursiga, Wuxuuna Miyir Doorsana….”

Date:

Wararka HALBEEG Hellayso Ayaa Tibaaxaya In Madaxweynaha La Qorshaynayo In Usbuucyada Soo Socda Dalka Dibadiisa Loo Qaado.

Warar xogogaal ah oo HALBEEG ka heshay xarunta madaxtooyada ee Hargeysa ayaa xaqiijiyey in habeen hore madaxweynaha Somaliland ay xaalad caafimaad ku timid, ka dib markii madaxweynahu si lama filaan ah dhulka ugu dhacay isagoo wakhtigaasi ku sugan guriga uu ka degenyahay kambuulka aqalka madaxtooyada.

Warka ayaa tibaaxaya in aan si rasmi ah loo garanaynin xaaladda caafimaad ee madaxweynaha haatan, balse xogta HALBEEG ayaa tibaaxaysa in madaxweynahu in muddo ahba caafimaadkiisu uu aad hoos ugu sii dhacaayay, iyadoo dhawr jeer oo is xig xiga loo qaaday madaxweynaha dhinaca iyo xarunta gobolka Saaxil ee BERBERA oo ay dhakhaatiirtiisu kula taliyeen inuu goob kulul badanka joogo.

Qof naga codsaday inaanan magaciisa xusin ayaa HALBEEG u sheegay inuu madaxweynahu miyir doorsoomay isla markaana qadar uu dadka dul taagan kala garan la’a, waxaana xogtu tilmaamaysa in loo malaynayo in macaankiiisu uu hoos u dhac weyni ku yimid taasina ay keentay inuu madaxweynahu miyir doorsoomo.

Xaaladda Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliland oo da’diisu tahay 84 sanno jir, ayaa lix sannadood ka hor markii lagu jiray ololahii uu ku doonaayay inuu tallada dalka ku qabto isagoo wakhtiga ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa madaxweynaha marka ku dhuftay xanuunka loo yaqaano qalalka fudud (mini stroke), kaasi oo marka si aan la dareemin waagaasi madaxweynaha loogu qaaday dalka Kenya.

Madaxweynahu markii uu hal sanno xilka hayay ayaa waxaa ku dhacay xanuun kale oo loo yaqaano (Dementia) ama ilawshiyaha, kaasi oo sababay inuu madaxweynahu lumiyo gebi ahaanba xasuusta fog iyo ta dhaw labadaba, muddo lix jeer ah ayaa madaxweynaha loo qaaday dhakhtaro dalka dibadiisa oo kala ah Nairobi, Hongkong, London, iyo Istanbul.

Laba sanno ka hor ayey madaxweynaha dhakhaatiirtiisa gaarka ah ee dalka ingiriisku si rasmi ah ugu wergeliyeen inaanu shaqayn karayn, taasi oo keentay inuu marlabaad isku soo sharaxi kari waayo tallada dalka.

Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale haya xanuunadda dhiig karka iyo macaanka oo uu muddo 40 sannadood ah la soo tacalaayay, balse markani ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee madaxweynahu xaalad caafimaad uu miyir doorsoomo.

Halbeeg News
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...