Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Beesha Gobolka Sool, ayaa Shalay Shir ku yeeshay Degmada Buuro-Wadal ee Koonfurta Gobolkaas oo meelo ka mid ah Maamul-gobolleedka Puntland ka bilaabay Deegaamayn cusub.
Madax-dhaqameedkan oo uu Hoggaaminayey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa Shirkooda ka hor waxay socdaal indho-indheyn ah ku tageen Deegaanka Bixin oo uu ka taagan yahay Muran ku saabsan Xuduudka Gobolka Sool la wadaago Garoowe, ka dib markii Puntland dhismayaal ka bilowday.
Madax-dhaqameedka oo Kormeerka Deegaanka Bixin iyo Shirka ay ku yeesheen Buuro-Wadal markii uu dhamaaday la hadlay Saxaafadda, ayaa Maamul-Gobolleedka Puntland ugu baaqay inay Dhulkooda ku ekaadaan, maaddaama oo Dadku wax wada leeyahay, waxna kala leeyahay,
“Waxaanu shir ku qabsanay Buuro-Wadal, Shirku wuxuu ku saabsanaa dhacdadii aanaan fileyn ee ka dhacday Deegaanka Bixin, kuwaas oo kala ahaa Bar-kaantarool iyo Buundo Cusub oo lagu soo kordhiyey deegaanka Bixin iyo Calaamadintii Dhulka ee aan loo amar qaadan sida uu Sharcigu yahay.” Ayuu yidhi, Nabadoon Khadar Cali Jaamac, waxaanu intaa ku daray, “Arrintan waxaanu u aragnaa Daandaasi, waayo? Dadku waxna wuu wada leeyahay, waxna wuu kala leeyahay, Gobolladu Xad-bay kala leeyihiin, Qabiilladuna Xad-bay kala leeyihiin. Waxaanu isla garanay in Arrintaa in si deg-deg ah loo baa’biiyo dhismaha laga dhisay, deegaanka la calaamadsadeyna sidaa loo baa’biiyo, arrintaa Culeyskeeduna wuxuu saaran yahay Maamulka Puntland, Madaxweynahooda, Madaxweyne ku-xigeenkooda iyo Wasiirradooda.”
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isaguna Gabogabadii la hadlay Saxaafadda, ayaa baaq u diray Maamulka Puntland iyo Madax-dhaqameedkooda, waxaanu yidhi,
“berigii Gumaysiga Koonfurta iyo Waqooyiga (Somaliland) halkaasaa Xuduud u ahayd (Bixin), Sool iyo Nugaal na halkaasaa Xuduud u ahayd, labada beeloodna halkaasaa Xuduud u ahayd, sidaa daraadeed waxaanu leenahay Arrinka Fidmada ah ee socda waxaanu leenahay Ragga dhiggayaga ah ee Nabadda jecel, Annagu Nabad-baanu jecel nahay oo aanu ku baaqeynaa, markaa Arrinkaa wax ha laga qabto, Maamul ahaan wax ha lagaga qabto, Qabiil ahaan wax ha lagaga qabto.”