Tirakoobkan Kediska Ah Ayaa Lala Xidhiidhiyey Cabasho Kala Sarraysiisay Gunnada Shaqaallaha Golaha Wakiilalda Oo Kasoo Yeedhay Hawl-wadeennada Rasmiga ah Ee Xarunta.
Mas’uuliyiinta hay’adda Shaqaallaha dawladda ayaa la sheegay in ay saaka madax taabasho kedis ah ku tirakoobi doonaan shaqaallaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee ka hawl gala xarunta golaha wakiillada Somaliland ee magaallada Hargeysa, kadib markii ay sida la weriyey ay dibada u soo baxeen tuhunno mugdi geliyey tirada saxda ah ee hawl-wadeennada golaha ka hawl gala oo qaarkood aanay ku jirin liiska magacyada u diiwaangashan hay’adda shaqaallaha ee rasmiga ahaan lagaga cabir qaato mushahar bixinta [Pay roll].
Warar madax banaan oo wargeyska Hubaal ka helay mas’uuliyiinta hay’adda shaqaallaha ayaa tibaaxay in sida ballantu tahay maanta ay hawlgal kormeer iyo hubin ah ka bilaabi doonaan shaqaallaha golahaasi, hawlgalkaas oo si madax taabasho ah lagu tirin doono shaqaalaha ku sugan xafiisyada guddi hoosaadyada golaha isla markaana la isu eegi doono magacyada u diiwaangashan hay’adda. Tallaabadan ay ha’adda shaqaalluhu ku hubinayso hawl wadeennada ayaa warku sheegay in ay daba socoto kadib markii dhawaan ay waaxda shaqaallaha ee hay’adda shaqaallaha dawladdu ka joojisay shaqaddii toban xubnood oo sida warku sheegay sifo baal marsan sharciga looga hawlgaliyey xarunta golaha wakiillada, arrintaasina ay ka cadhaysiisay hab sami u socodkii xilka uu xafiiska shaqaallaha dawladdu u hayo qaranka.
Qoddobka kale ee xusida mudan ee soo dedejiyay tirakoobkan madax taabashada ah ayaa warku sheegay in uu yahay kadib markii ay soo baxeen cabashooyin kadhan ah xafiiska xoghayaha guud ee golaha wakiillada oo ay qaar kamid ah shaqaallaha rasmiga ah [Permenant] ee goluhu u ku soo bandhigeen isu dheelli tir la’aan iyo xaqsoor-darro dhinaca gunnada ah oo jirta taasina ay sababtay in nidaam xulasho ah loogu kala sed buriyey xaddiga gunnada ee shaqaalluhu qaadanayo.
Hubaal