Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Berbera Gaadhey iyo Odoyaasha Ehelka Marxuumka Oo Go,aan Salmi ah Qaatey

Date:

Ujeedada Socdaalka Wasiirada iyo Madaxweyne Kuxigeenka ee Magaalada Berbera ayaa dabada ku haysa sidii aas Qaran Loogu aasi lahaa Marxuumka Taliyihii Qeybta Ciidanka.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),iyo xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa manta gaadhey Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Ujeedada Socdaalka Wasiirada iyo Madaxweyne Kuxigeenka ee Magaalada Berbera ayaa dabada ku haysa sidii  aas Qaran Loogu aasi lahaa Marxuumka Taliyihii Qeybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil oo shaley dabley hubeysani ku dishey deegaanka Biyooley ee Koonfur Bari ka xigta Magaalada Berbera Xubnaha Wasiirada Berbera gaadhey oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade,Wasiirka Arimaha Dibadda Sacad Xaaji Cali Shire,Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami,Wasiir Kuxigeeno,Sidoo kalena waxa ilaa xaley kusii sugnaa Magaalada Berbera Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Maxamed Xuseen Faarax(xiirane),sida ay wararka naga soo gaadhaya Magaalada Bebera sheegayaan, waxa la isku waafaqey in la aaso meydka Marxuumka Bari subaxda khamiiseed,waxaana muwaafaqada aaska go,aan ku qaatey Marxuumka Walaalkii Caaqil Axmed Yuusuf Maxamed,iyo Suldaankiisa Ismaaciil Qude oo xaley iyagu soo gaadhey Magaalada Berbera kuwaas oo degan Huteelka Scandanivian Berbera,waxaanay ku adkeysteen sida wararku tibaaxayaan in ay mudici ku yihiin Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Saaxil ee lasocdey Marxuumka ladiley, waana sababta keentey in Xukuumadu ku xabisto Guriga uu ka degan yahey Magaalada Berbera.

“Kolay dad badan ayaa si khaldan wax u wada oo faafinaya warar xaalad abuur ah kuwaas oo u muuqda in ay wax fidmaynayaan anigu waxaan xogogaal u ahey in ehelada Marxuumka walaakii Caaqil Axmed Yuuuf iyo Suldaankiisiiba iyo ehelkiisiiba ay arinta dhinac fiican ka joogsadeen waxaana lagu wadaa in ay bari is arki doonaan Xukuumada Wasiirada iyo Madaxweyne Kuxigeenka Aaska kadib kaliya waxey mudici kuyihiin Gudoomiye Kuxigeenkii Gobolka Saaxil ee ay wada socdeen Marxuumka,waxaanay iyagu sheegeen in aaney arin utaala aheyn salaadinta iyo Madaxdhaqameedka la taxaabay”Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Laangadhe oo katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo oo khadka isgaadhsiinta ugu waramey Hadhwanaagnews isagoo ku sugan Magaalada Berbera.

Waxaanu Xildhibaanku xusay in uu halkaa u gaadhey aaska Marxuumka.

Magaala Xeebeeda Marsada Weyn u ah Somaliland ee Berbera ayaa guud ahaanba xaaladeedu degan tahey oo niskii dambe ee caawa guud ahaanba dib loogu soo celiyay Isgaadhsiinta oo caweysinkii xaley guud ahaanba laga xidhey Gobolka Saaxil Shirkadaha Telesom iyo Somtel oo Bulshada Somaliland si aad ah u isticmaasho.

Geesta kalena hadalhaynta Dadweynaha ayaa u badan Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka lagu taxaabay Hargeysa iyo Berbera iyadoo ay xidhan yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Halac-dhagoole oo la sheegay in uu ka biyo diidey xadhiga caaqilkiisa sidaa daraadeedna uu isku taxaabey.

Xiisada ka dhalatey Dilka Taliyihii Qeybta ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf ayaa dib usoo faqdey Saraakiil hore oo Ciidamada katirsanaa oo ladiley mudada Xukuumadani Xilka Haysey,Ciidamada ayaana wali ku guda jira baadi goobta gacan ku dhiiglayaashii geystey Dilka Taliyihii Qeybta Gobolka Saaxil ee Ciidanka Booliska.

Hadhwanag

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...