Somalia: Wariye ka Tirsanaa Al-Shabaab ee Hassan Hanafi oo Maxkamada Ciidamada Moqdisho Dil Toogasho ah ku Xukuntay

Date:

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Al-shabaab, kaasoo muddo ku xirnaa xabsi ay Sirdoonka Somalia ku leeyihiin Muqdisho.

Hassan Hanafi
Hassan Hanafi

Dhageysiga dacwaddii loo haystay Xasan Xanafi oo ay ka mid ahaayeen; inuu mas’uul ka ahaa dilal Muqdisho loogu geystay wariyeyaal, ayaa waxay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda uu sheegay inay xukunkan rideen kaddib markii ay arkeen caddeymo maxkamadda la horkeenay, ayna hor-yimaadeen maxkamadda markhaatiyaal ku marag-furay.

“Waxaa Maxkamadda la Hor-keenay Caddeymaha Dambiyadii lagu soo eedeeyay, Xanafi, isla markaana ay hor-yimaadeen Maxkamadda Markhaatiyaal ku marag-furay, Waxaana ay maxkamaddu ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji dil Toogasho ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqayay natiijada xukunka maxkamadeed.

Sidoo kale, Col. Shuute ayaa xusay in Xasan Xanafi ay ku Caddaatay in uu ka dambeeyay Toogashada Wariyeyaal kala ah; Mahad Axmed Cilmi, Mukhtaar Maxamed Hiraabe, Cali Iimaan Sharma’arke, Sheekh Nuur Abkeey iyo weliba Siciid Tahaliil Axmed.

Haddaba, Xilliyadii la kala Dilay Wariyeyaashan ayaa Waxay kala ahaayeen Sidaan;

  1. Mahad Axmed Cilmi ayaa waxaa la dilay – 11-kii September, 2007-kii
    2. Cali Iimaan Sharma’arke ayaa waxaa la dilay 11-kii September, 2007-kii
    3. Saciid Tahliil Axmed ayaa waxaa la dilay 04-tii Feberaayo, 2009-kii
    4. Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa waxaa la dilay 08-dii Juun, 2009-kii
    5. Sheekh Nuur Abkeey ayaa waxaa la dilay 04-tii May, 2010-kii

Xukunkaan Maxkamadeed ee lagu riday Xasan Xanafi ayaa Wuxuu kusoo beegmayaa Xilli Xasan Xanafi Xaaji uu toddobaadyo ka hor Wareysi siiyay Radio Muqdisho uu ku sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilkii wariye Sheekh Nuur Abkeey, balse uusan lug ku lahayn dilalkii loo geystay wariyeyaasha kale.

Dhanka kale, Xasan Xanafi ayaa ku sheegay Wareysigiisan in Al-shabaab ay wariyeyaasha oo dhan u haystaan kuwo riddo ah oo diinta ka baxay, ayna ugu xukuman yihiin dil, isagoo sheegay in uu wax ka ogaa dilalka Wariyeyaasha kale ee lagu eedeeyay inuu dilalkooda lug ku lahaa.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Xukunno noocan oo kale ah ay ku Riddo Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, kuwaasoo la dilay qaarkood, halka kuwo kalena ay weli u xiran yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

HOL

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...