Somaliland: Guddoomiyaha KULMIYE Oo Waano Iyo Wax-Sheeg U Diray Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland

Date:

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa digniin adag u diray maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay Jamhuuriyadda Somaliland u dulqaadanayn u dulqaadan karayn farogelin lagu sameeyo dhulkeeda, sidaasi darteedna maamulka Puntland uu masuul ka noqon doono wixii dhibaato ah ee ka yimaada dhisme ay ka bilowday gudaha xuduudka Somaliland haddii aanay si degdeg uga noqon tallaabadaas, isagoo beesha caamalkana ku wargeliyey arrintaasi ka dhan ah qaranimada Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi sidaasi waxa uu ka sheegay mar uu booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta , waxaanna kulan uu halkaasi kula yeeshay masuuliyiinta wasaaradda kadib hadal uu siiyey warbaahinta uu kaga hadlay farogelinta Puntland, xaaladda abaarta iyo dhibaatada shilalka baabuurta ka haysta Somaliland.

Ugu horreyn, isagoo ka hadlayey digniinta uu u diray maamul-gobolkeeda Puntland waxa uu yidhi, “Puntland waxay ku soo xad-gudubtay Qaranimada Somaliland, waxay soo galeen xuduudda Somaliland dhawr Kilomiter, waxaanay ka bilaabeen dhismo ama magaalayn, waxaannu u sheegaynaa caalamka oo dhan iyo gaar ahaan Puntland inay wanaagsan tahay in nabadgalyo, walaaltinimo iyo iskaashi lagu wada noolaado, xad-gudubka xuduudka dhulalku waa mid caalamka oo dhan ka reebban, waxaanay keentaa cawaaqib aan fiicnayn.

Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland qaadan karimayso in dhulkeeda lagu soo xad-gudbo oo weliba dhisme laga bilaabo, jawaabta aannu bixinaynaa Qaran ahaan xisbi iyo xukuumadba waxa weeye in aannu ku dayno inta ugu macquulsan in Puntland looga digo qaladkeeda, waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka noqdaan qaladkooda, waxaannu u badin doonaa hadalka iyo waanada intii suurtogal ah, haddii ay taa wax ku qaadan waayaana wixii dhibaato ah ee halkaa ka yimaada iyagaa ka masuul ah. Sidoo kale, waxaannu u sheegaynaa dawladaha jaarka ah, ururrada IGAD, EU-da iyo ururrada caalamiga ah oo dhan in aanaan u sinnayn gardarradaa ay ku kacday Puntland.”

Waxa kaloo uu ku wargeliyey shacabka Somaliland inay la socdaan gardarrada kaga imanaysa dhanka Soomaaliya, “Ummadda Somaliland waxaan u dirayaa inay ogaadaan in farogelini ku soo koradhay oo ay innagaga timi xagga Puntland oo aynu u horimarin doono waano iyo wax-u-sheeg iyo inay qaladkooda saxaan, haddii ay ku qanciwaayaana in aan Qaranimada Somaliland u dulqaadan doonin in dhulkeeda lagu soo xad-gudbo,” ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...