Warar xogogaal ah oo ay shabakada caynabanews helayso ayaa sheegaya in uu dilka taliyaha qaybta booliska gobolka saaxil ay ka danbeyeen mareeyaha dagakada berbera iyo wasiirku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye ee wasarada arimaha gudaha Somaliland sida ay ilahaasi sheegayaan arintan ayaa ka danbaysay khilaaf xoogan oo ka dhex taagnaa sadexdan masuul khilaafkan oo ka abuurmay shaqaqadii dhawaan ka dhacday ceel garde taas oo ay ku kala aragti duwanayeen taliyaha iyo labadan masuul
Shabakada caynabanews ayaa si mug leh arintan u daba gashay balse kooxdan ayaan ilaa imika xukumdu aanay cadayn cida dabada ka riixaysa ee soo abaabushay ilahan ayaa waxay intaas ku darayaan in taliyaha maanta la toogtay loo sameyay mu aamurad lagu qarajinlahaa taas oo naf iyo maalba uu dul dhigay sidii loo qarajin lahaa mareeyaha dakada berbera cali xoor xoor oo tiraba intii uu taliyuhu xilka ahay uu 5 jeer khilaaf soo kala dhex galay
Balse bulshada gobalka saaxil ayaa waxay sheegayaan in xiisadii ceel garde ay wali taagantahay ay na sabab u tahay dilka manta lagu qaarajiyay taliyihii qaybta booliska gobalka
Wararka aanu ka helayno gobolka saaxil ayaa waxay sheegayaan in Wasiirku xigeenka amniga wasarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye uu faraha kula jiraa arimaha ka taagan gobalka saaxil isagoo markasta cali xoor xoor ku garab siinaya colaadaha uu ka dhex wada bulshada wada dagta gobalka saaxiil
Qaar ka mid ah xildhibanada golaha deegaanka dagmada berbera oo shabakada caynabanews wax ka waydiisay xaaladan ka soo cusbonanaysa gobalka saaxil ayaa waxay noo xaqiijiyeen in arimahan oo dhan ay daba socdaan shaqaqadii ceel garde taas oo ah mid ay dabada ka riixayaan shakhsiyaad xilal wawayn ka haya xukumada oo uu hor kacayo cali xoor xoor
Dilka taliyaha arimahaas ayuu daba socdaa yadoo waxaas oo dhan loo samaynayo sidii loo joojinlahaa dhismaha dakada yare e kalumaysigaa ee ceel garde balse xukumada Somaliland ayaa looga fadhiyaa arintan
dhanka kale dablaydan dilka u gaysatay taliyaha ayaa waxay wararka qaar kood sheegayaan in laba nin oo ka mid ahaa ay isu raas dhaw yihiin maayarka magalada berbera taas oo cadaynaysa in madaxda gobolka saaxil ay marwalba qorshaynayaan dilalka noocasa balse qaar ka mid ah ehelada taliyaha ayaa wacad ku maray in ay talaabo qaadi doonan sida ugu dhakhsaha badan
Caynaba News