Musharraxa Musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE ahna Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Xasan X. Warsame (Xasan Gadhweyne), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warshadaha Cali Axmed Maxamed (Cali-dhagoole), siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa kulan ku yeeshay magaaada Hargeysa, waxaana ujeedada kulankaasi ay tibaaxuhu sheegeen in lagaga wadahadlay sidii ay masuuliyiintan Muuse Biixi kulanka la yeeshay ay bulshada ku dhaqan gobol Saaxil uga wacyigelin lahaayeen qaadashada Kaadhka Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo dhawaan ka bilaambaysa gobolka Saaxil.
Xoguhu waxay intaas ku dareen in Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiintani ay isla qaateen in lala yimaado qorshe shacbiga ku dhaqan gobolka Saaxil laagaga dhaadhiciyo inay aanay u kala hadhin qaadashada Kaadhka Diiwaangelinta si meesha ay ug baxdo damaca taageeero doon ee xisbiyada mucaaridka ee ku wajahayaan gobolka Saaxil, islamarkaana ay u muujin lahaayeen taageero ay uu ka helo Muuse Biixi Cabdi.
Xisbiga tallada haya ee KULMIYE iyo xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI ayaa u xadhko xidhay sidii mid kastaaba dhinciisa u hantiyi lahaa codka iyo taageerada shacbiga ku dhaqan Gobolka Saaxil, islamarkaana ay u muujiyan lahaayeen kasbashada kalsoonida bulshada Berbera.