Wararka ka imanaya Deegaanka Dixin oo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka xiga dhanka Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya inuu Dagaal ku dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad ka socday Puntland oo halkaas ku sugnaa.
Dagaalkan oo bilaabmay markii sida la sheegay Maleeshiyaadka Puntland weerar ku qaadeen Cutubyo ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland oo halkaas ka dhawaa, ayaa la sheegay inuu Maleeshiyaadka Puntland ka soo gaadhay khasaare dhimasho, dhaawac iyo gubashada Gaadiidkii Tiknikada ahaa ee ay wateen.
Qof ku sugan deegaanka Dagaalkani ku dhex maray Ciidammada Puntland iyo kuwa Somaliland ee Dixin ku sugan, ayaa sheegay inuu arkay Hal gaadhi oo kuwa Dagaalka ah oo laga gubay Ciidamada Puntland, halka Gaadhi Booyad ah oo Biyo u siday Maleeshiyaadka Puntland uu khasaare soo gaadhay.
Warka, ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyaadka Puntland oo laga awood batay u baxsadeen dhanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.