Somaliland: Muuse Biixi Muxuu Filayey, Maxaa’se Faa’iido ugu Jira… Maxaa Sabbabay Isku Shaandhaynta?

Date:

Inta badan bulshada reer Somaliland boqol iyo labbaatankii (120-kii) maalmood ee u danbeeyay, waxa dheggaha iyo carabkooda kusoo noq-noqonayey hadal-hayno la xidhiidha isku-shaandhayn ay ka filayeen Madaxweyne Siilaanyo inuu ku samayn doono golihiisa Wasiiradda, arrintaasoo marka si guud loo eego runtii ahayd mid mudada iyo ka hor-ba soo taxnayd, balse waxay hadal-haynteedu sii xoogeystay baa la odhan karaa kadib, ismaan-dhaafkii ka curtay shir-weynihii Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaasoo salluugii ka dhashay qabashadiisu noqday mid aakhirkii kala irdheeyay saaxiibo muddo dheer dhinac kasoo wada-jeeday, teeda kale murranka arrinkaani, waxa kaloo uu sabbabay inay xayn-daabka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka baxaan masuuliyiin tiro badan oo isugu jirey Wasiiro iyo Wasiir-ku-xigeeno, Agaasimeyaal guud, iyo sidoo kale, Guddoomiye-xigeenadii 3-aad iyo Afraad ee ku jirey hoggaanka saree Xisbiga KULMIYE.

Geesta kale, marka si loo eego xaaladihii markaa taagnaa waxa la odhan karo, dhacdooyinkan oo dhammi waxay markii danbe isu-rogeen raggaad cusub oo kusoo saayi’dey cabashooyinkii ka dhashay qodxihii markii hore-ba ku taagnaa bulshada reer Somaliland, kuna kelifay hadal-haynaha la xidhiidha in Madaxweynuhu isbeddel ku sameeyo Xukuumadiisa, kuwaasoo marka doodaha arrinkan ee bulshada si gaar ah loo dhandhansho qaarkood u muuqadeen kuwo ku salaysan isbeddel togan oo waxtar leh inay helaan oo keliya.

Haddaba marka xaalku sidaa yahay inkastoo uu muuqdo kala duwanaasho afkaareed inuu ka dhex jiro mu’caaridka iyo shucuubta kale isbeddel doonka ah, balse hadana waxa qudhee labadan xaaladood la odhan karaa way iska shabbahaan, waa arrinka isbeddelka. Hadii aynu arrinta intaa ku dhaafno, waxa isweydiin mudan maxay ahayd ujeedada sababtay isku shaandheynta madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa? ma’se la odhan karaa Isku Shandheyn?. Waxa kaloo iyana isweydiin u baahan, waa maxay faa’iidada ugu jirta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi Isku Shaandheynta?. Muxuu’se Muuse Biixi ka filayey?.

Hadii aynu ku hormarno isweydiinaha hore, ee ku saabsan maxaa sababay, muxuu’se daaranaa isku Shaandheynta Madaxweynuhu dhowaan ku sameeyey Xukuumadda. Mida koowaad marka la eego xubnaha xilalkooda waayey, oo sida War-saxaafadeedkii Madaxtooyadda ku cad ah Wasiirkii Ganacsiga Muuse Qaasim, Wasiir ku-xigeenkii Xidhiidhka goleyaasha Mawliid Maxamuud Ibraahin, Maareeyihii Madbacadda Qaranka Cabdilahi Maxamed Caray iyo Badhasaabkii Gobolka Sool, iyo sidoo kale, wajiyada cusub ee kusoo biiray Xukuumadda, oo iyana ku kooban bedelka Afarta xubnood.

Haddii si kale, loo dhigo Afarta masuul ee kor-ku xusan, waxa Warsaxafadeedka lagu sheegay inay yihiin xil-sugeyaal, taasoo macnaheedu yahay in shaqadii oo keliya laga joojiyey, balse sidoodii hore ay mushaharkii dawladda u qaadan doonaan. Sidaa-ba marka War-saxaafadeedka Madaxtooyadda loo raaco, waxa halkaa kaaga muuqanaysa inaanu jirin qorshe micno leh oo la odhan karo wuu xambaarsanaa War-murtiyeedkii Madaxtooyaddu, sababta oo ah dunida lama arag masuul inta xilkii laga qaaday, hadana Mushaharkii uu dawladda ugu shaqeynaayey iska qaado la yidhi, waxay’se u egtahay Madaxweyne Siilaanyo aqoon daro kama ahee, inuu ugu talo galay lacagta bilaashka ah ee Xil-sugayaashu qaadan doonaan inay tahay Carbuun uu uga gol-leeyahay masuuliyiinta uu xilka ka qaaday inaanay Xisbi kale gelin.

Dhanka kale, haddii aynu xooga iyana is-dul taagno meselada ku saabsan filashada iyo faa’iidada Gudoomiye Muuse Biixi ugu jirtay isku shaandheynta, sida ay ku doodan dadka xog-ogaalka u ah xidhiidhka Muuse Biixi iyo Madaxtooyadda, tusaale ahaan marka laga hadlayo xilka qaadistii Wasiirkii Ganacsiga Muuse Qaasim, waxa ay ku fasireen riddo aan fallaadh ku ahayn, waa haddii Muuse Qaasim bedelkiisa uu noqon lahaa Maxamed Cabdilahi Cumar. Teeda kale, haddii aynu soo qaadano tallaabadii Madaxweynuhu Wasiirkii hore ee Duulista Saxardiid Caddani ugu xulay inuu geeyo Wasaaradda Warfaafinta, marka si loo eego, waxa la odhan karaa waxa ay faa’ido u tahay Muuse iyo Xisbigiisa in wasaaradda Warfaafinta uu joogo Wasiir taageersan Musharaxnimada Muuse Biixi. Sababtoo ah mar waxa ay faa’ido tahay Muuse oo keliya marna waxa ay u tahay Muuse Biixi iyo Xisbigiisa labada.

Tusaale ahaan, mar Muuse ayey faa’iido u tahay oo waxa meesha ka baxay Nin Col ahaayeen oo aan ictiraafsanayn Murashaxnimadiisa, oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Md. Cabdilahi Cukuse, marka tan labadna Muuse iyo Xisbiga faa’ido ayey u tahay oo waxa labadooduba fursad u heleen meel aan lacag iyo shidaal toona ka rabin oo habeen iyo maalin-ba ay ka baahiyaan Boro-bagaandadooda. Hase-yeeshee waxa aan indhaha laga laalin karin sida ay isku qabanayaan Wasaaradda Warfaafinta oo mushaakilkeedu aanay yareyn iyo Wasiir Caddani oo marka loo eego khibradiisa Siyaasadeed, Caafimaadkiisa iyo dulqaadkiisa intaba aan ahayn Nin awoodi kara inuu la saaxiibo duruufaha adag ee ku dhex-sugaya Deyrka weyn ee Idaacadda.

Sidoo kale, bedellaada Wasiirka cusub ee Duulista iyo kan Wasiir Cukuse ee Xanaanada Xoolaha, iyaga marka si loo eego xaaladoodu way ka duwan tahay kuwa kale, metelan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Md. Cumar Sheekh Maxamed waxa la odhan karaa waa masuulka keliya ee isbedelkiisu xilligan munaasibka ahaa. Waayo marka la eego khibradiisii hore oo ahayd Sarkaal sare oo ka tirsanaa Sirdoonkii Ciidamada Soomaliya iyo sidoo kale, khataraha amni ee xliigan kusoo korodhay amniga Madaaradda, waxa la odhan karaa Madaxweynuhu wuu asiibay magacaabista masuulka. Hase-ahaatee, bedelka Wasiir Cukuse ee Wasaaradda Xanaanada Xooluhu, iyaduna marka si loo eeggo waxa la odhan karaa, waa hiil oo kasii mid ahaanshihiisa Xukuumaddu, waxan jeclayn oo ay fallaadhan ku tahay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi. Mar kalena waa faa’iido Cukuse u tahay oo waxa la geeyey meel aanay xasaradi ka jirin, oo weliba ku darsoo Arafadana Caano qabow leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...