Somalia: Wasiirkii hore hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo qarax lagu diley

Date:

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in goor dhawayd qarax gaarigiisa loogu xiray lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Muxiyadiin Maxamad Xaaji Ibraahim.

Muxyadiin Maxamed Xaaji ayaan wax xil ah ka qaban Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh, waxaana uu ahaa kuixgeenka urur Mucaarad ah oo lagu magacaabo Kulan. Muxyadiin Waxa uu horey u soo noqdey Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde.

Qaraxa gaariga loogu xiray ayaa ka dhacay meel ku dhaw isgoyska KM4 magaalada Muqdisho, waxaana dhaawac soo gaarey qof kale oo gaariga saarnaa.

Cabdulqaadir Barnaamij oo ah Guddoomiyaha Ururka Kulan ayaa tacsi ka direy dilka Marxuumkan, waxaana uu dalbadey in la baaro isla markaana sharciga la horkeeno ciddii ka danbesyey.

Ma jirto cid sheegatey bomka gaariga lagu xirey. Muxyadiin ayaa ahaan jirey Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde, wax xilal ah kama qaban Xukuumadda hadda jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...