Somalia: Britain oo $4.3milyan ugu deeqday ciidanka Soomaaliya

Date:

Wasiiru dowlaha Ciidanka Qalabka Sida ee Midowga Boqortooyada (UK) Marwo Penny Mordaunt, MP ayaa shaley oo Axad ahg booqasho ku tagtey Magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa ku dhawaaqday lacag dheeri ah oo kabadan 4.3 milyan oo doolar oo deeq ah laguna kordhindoono Santuuqa UNSOS loogu talagaley Ciidanka Qalabka sida ee Soomaliya taasoo kacaawindoonta in lagubixiyo waxyaabaha lagama maar maanka ah oo eey ciidanka ubaahanyihiin sida cunada, shidaalka iyo sahay caafimaad.

Kadib mar ay lakulantay Raisul wasaaraha Somaliya Mudane Cumar Sharmarke eyey wasiirada tiri:

“Waxaan aad ugufaraxsanahay in aan shaaca kaqaado deeq dheeri ah oo kabadan 4.3milyan oo doolarka Marayakanka ah oo dalka Britian uu ugu deeqayo santuuq dhaqaalaha UN ta ee Ciidanka Dalka Sooomaaliya. Tani oo lagu taageeraayo in Ciidanka Soomaliya ay kaga guuleeystaan dagaalka lagulajiro ururka Al-shabaab.Tani wexeey muujineeysaa sida ay nooga go’ántahay taageerida Ciidnka Soomaliya iyo sidii aanu u dhisi lahayn aasaaska nabad waarta uu dalka helo.

Wasiir doowlaha Ciidanka Qalabka Sida ee Boqortooyada UK Marwo Penny Mordaunt, Waxay shir la qaadatey: Raisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke; Wasiirka Difaaca General Cabdulqadir Shiikh Cali (Diini); Wasiirka Aminaga Gudaha, Cabdirisaq Cumar, Taliyaha Ciidanka Difaaca Dalka Somaliyeed Maj Gen Maxamed Adan Axmed. Wakiilka Gaarka ah ee Xog hayaha Qaramada Midoowey ee Dalka Somaliya Michael Keating,Francisco Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah ee guddomiyaha Ururka Midowga Africa.

Xafiiska Qaramada Midoowey ee Somaliya (UNSOS) Waxay leeyihiin sanduukh loogu talo galay taakulada ciidanka Soomaaliya wexeey bixiyaan taageero dhinaca Cunada, Biyaha, Shidaalka,Tendhooyinka, socdaalka iyo sahay caafimaad oo eey siyaan ciidamada qalabka sida ee Somaaliyeed.

Waxaan weli waxba ka hirgelin mideynta ciidanka Soomaaliya iyo dalka loo dhiso ciidamo qaran, waxaana taageerada Beesha caalamka ee dhanka ciidanka ku kooban tahay deegaano kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...