Turkey: Xisbiga Erdogan oo ku fashilay inuu dhismo Isbaheysi Xukuumad

Date:

Raysalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa shaaciyey inuu ku guuleysan waayey inuu xukuumad isbaheysi ah la dhiso xisbiyada kale ee dalkaasi, arrintan ayaa keeni karta in markale doorasho ka dhacdo dalka Turkiga.

Doorashadii Baarlamaanka ee dalka Turkiga ka dhacday bishii June ayuu xisbiga Madaxweyne Tayyib Erdogan ee AK Party dhumiyey awoodii uu kulahaa Baarlamaanka dalka Turkiga oo uu horey u heystay aqlabiyad buuxda, xisbiga AK party oo heli waayey kuraas ku filan oo uu kaligiis ku dhisi karo xukuumada ayaa ku khasbanaaday inuu isbaheysi la sameysto xisbiyada kale ee kuraasta ku leh baarlamaanka.

Raysalwasaare Ahmet Davutoglu oo hogaaminaya xisbiga AK party ayaa wadahadal la sameeyey labada xisbi ee kale oo kala ah CHP iyo MHP, balse wadahadalaasi ayaa burburay kadib markii xisbiyadaasi ku heshiin waayeen xiliga uu socon doono isbaheysigooda xukuumada.

Dhaawaca ugu weyn ee xisbiga AK party ayuu kasoo gaaray xisbiga cusub ee kurdida dalkaasi ee HDP kaasi oo helay 10% cododka doorashadii lasoo dhaafay, xisbigan ayaa horey u sheegay inuusan marnaba wax heshiis ama isbaheysi la geli doonin xisbiga talada haya ee AK Party.

Ahmet Davutoglu ayaa 9kii bishii July loo qabtay muddo ka yar 2 bil inuu kusoo dhiso isbaheysi xukuumad, wakhtigaasi oo ku eg 23ka bishan Agoosto, wuxuuna shalay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Tayyib Erdogan u sheegay in lagu guuleysan waayey dhismaha xukuumada.

Madaxweynaha Turkiga ayaa awood ulleh in ku baaqo doorashooyin horleh kuwaasi oo la qabto 90 maalmood gudahood.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...