Diyaaradda Turkiga oo ka hadashay Sababaha ay u joojisay Duulimaadyadii Muqdisho

Date:

Shirkadda Turkish Airlines oo ka mid ahayd kuwa Caalamiga ah ee Garoonka Muqdisho ku tegi jiray duullimaadyada joogtada ah, ayaa markii u horreysay si rasmi ah Shalay uga hadashay sababihii keenay inay joojiso duulimaadyadii ay ku tegi jireen Muqdisho, ka hor intii aanu  dhicin Qaraxii diyaaraddii Daallo Airlines.

Afhayeen u hadlay shirkadda Turkish Airlines, Yahya Ustun oo ayaa VOA-da u sheegay in in duulaamdyadii Turkish Airlines ee tagi jiray garoonka Muqdisho loo joojiyay sababo la xidhiidha Cimilada oo aan Wanaagsanayn.

Sidoo kale, Yahya Ustun ayaa ka gaabsaday inuu biixyo Faahfaahin dheeraad ah, isagoo ka gaabsaday inuu ka jawaabto su’aalo ay VOA-du ka Weydiisay oo ay ka mid ahaayeen; inay jireen khataro ay ka baqeen iyo inay ka War-hayeen inuu Ruuxii isku Qarxiyay Diyaaraddii Daallo uu tigidh ka haystay diyaaraddooda.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay Duullimaadyo toos ah maalin walba ku tegi jirtay Muqdisho, Laakiin, laba Maalmood ka hor Qaraxii Diyaaraddii Daallo ayay diyaaraddu si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho.

Ugu dambeyn, ilaa hadda ma jiraan warbixino dheeri ah oo ku saabsan sababta baaqashada Duullimaadkii Turkish Airlines ay ku tegi jirtay Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyiinta Somalia oo hore wax laga weydiiyay isla arrintan ay ku gaabsadeen inayna wax war ah ka hayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...