Somaliland: Shir Wada Tashi Ah Oo Lagu Falan-qeeyay Deegaamo Aanay Hore Doorashooyinku Uga Dhicin

Date:

Shir saddex geesood ah oo ay iskugu yimaadeen xukuumadda, xisbiyadda iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyadda ayaa lagaga hadlay sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen muwaadiniinta ku nool deegaamo aanay hore uga dhicin doorashooyinkii hore muran dhinaca xuduudaha ah dartood.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawan soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu tilmaamay in qadiyadda lagu falan-qeeyay shirkaas aad la iskula fahmay. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

“Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumadda, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada qaranka oo lagu gorfeeyey muwaadiniin muddo badan waayey xuquuqdoodii Distooriga ahaa ee ay wax ku dooran lahaayeen ama iyagaba la dooran lahaa ayaa maanta (shalay) ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada. Waxaana ka soo qayb galay xubno ka mida golaha Xukuumadda, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Saddexda xisbi qaran.
Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd ee qeexaysay in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

Goobaha oo kala ahaa:
Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku kulmaan Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobahaas ku nool,

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.
Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arrimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...