Somaliland: Wasiirku Inuu Yidhaahdo Basaboorka Somalia Waan Ka Yaqyaqsoonaya Waa Mid Meel Ka Dhac Ah….”

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa xukuumadda Somalia ka raali galiyay hadal deelqaaf ah oo Cali Warancadde u jeediyay dawladda Somalia. Isla markaan wuxuu sheegay in Somalia ay kaga maqantahay jamhuuriyadda Somaliland hantid ka wayn baasaboorka Somaliland.

Boqorku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay isagoo ku sugan Dubia telefishanka Horn Cable Tv .

Boqorka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Cali warancadde iyo Gaafow sirdoonkii Soomaaliyeed bay ka waddatirsanayeen markaan kaftamo, shaqadda soomaali oo dhan cid kabta markii la waayay, cid wax ka qabata la la yahay. Sirdoonkii Soomaaliyeed iyo godkii jilicow waxay dhigeen weeye, waxa kale oo aan raaligalin ka bixinayaa baasaaboorka Soomaaliyeed waaka Soomaaliya oo waa hantidii idiinka dhaxaysay, waxaynaan kala guran ayay ka mid tahay, waxa wali isaga keeneen jira ayay ka mid tahay. Maanta inuu yidhaahdo waan ka yaqyaqsooda arrinkaasi waa mid meel ka dhac ah waa wasiirkayagii, baasaaboorku waa ka umadda soomaaliyeed kuwada shaqaysato, xuquuq baasaaboorka ka badan ayaa naga maqan.”Ayuu yidhi Boqorbuurmadow

Comments

comments