Iraq: ISIS oo askar badan ku dishay magaalada Ramadi

Date:

Kooxda Daacish ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay in ka badan 30 askarta dowlada Ciraaq ku dilay nawaaxiga magaalada Ramadi ee xarunta gobalka Anbar.

Salaasadii ayey ahayd markii gaari bambaano lasoo saaray ay ISIS la beegsatay ciidamada Dowlada ee ku sugan deegaanka Al-Bu Dhiaab oo kamid ah magaalada Ramadi, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 askari oo goobtaasi ku sugnaa.

Arbacadii shalay ayey Daacish markale duqeyn madaafiic la beegsatay ciidamada ku sugan magaalada Ramadi, waxaana la sheegay in duqeymihii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan 13 askari.

Bishii December ee sanadkii tagay ayey ciidamada dowlada sheegeen inay magaalada Ramadi ka saareen xoogaga ISIS oo halkaasi muddo sanad ah ka talinayey.

Ramadi ayaa ah xarunta gobalka Anbar oo ah gobalka ugu weyn dalka Ciraaq, waxaana qeybo badan oo kamid ah weli ka taliya kooxda Daacish.

Isla nawaaxiga magaalada Ramadi ayey weli ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan xoogaga Daacish oo halkaasi laga saari waayey, magaalada Ramadi ayaa burbur xoogleh kasoo gaaray duqeynmaha ay la beegsadeen ciidamada dowlada Ciraaq oo gacan ka helayey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...