Somaliland: Cali Guray Oo Ku Eedeeyay Guddoomiye Cirro In Uu Caqabad Ku Yahay Qabsoomida Doorashada

Date:

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa guddoomiyaha golaha wakiilada ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ku eedeeyay in uu hortaagan yahay qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka wakiiladda iyo ansixinta xeerkii lagu geli lahaa doorashadda golaha wakiiladda.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Guray oo u waramayay suxufiga weyn ee Faysal Fadhfadhle oo ka shaqeeya TV-ga Universal, waxa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada ee la filayo in ay qabsoomaan sannadka 2017-ka, diwaangalinta codbixiyayaasha ee dalka ka socota iyo arimo kale.

Cali Guray waxa uu sharaxaad ka bixiyay caqabadaha hortaagan ansixinta xeerka doorashada golaha wakiilada Somaliland, waxa uu yidhi “Haddii aan ka hadlo Xeerka doorashada golaha wakiillada, markii doorashadii hore ee golaha wakiilada la qabanayay waxa la yidhi mar qudha ayaa lagu gali karaa, waxaana looga jeeday in golaha wakiilada ee la doortay ka hawl-galo sidii loo heli lahaa xeer saami-qaybsigiisu caddaalad u dhow yahay oo laysla wada ogol yahay. Caddaaladii ayaa qofba meel ka ee gayaa, qaar baa leh dhulkii oo dhami bari ayuu jiraa, dad baa dhinaca dadka eegaya oo ku odhanaya Hargeysa oo qudha ayaa boqolkiiba laba iyo afartan ah, laakiin waxa aan qabaa in laga wada heshiin karo, haddii dan la wada leeyahay, ku tallo gal ayayna ahayd in aan xeerkaa doorashada golaha wakiilada aan la ansixin waxaana looga gol lahaa in muddo kordhin dheeraada lagu samaysto.”

“Shan Sannadood ayaa la doortay golaha wakiilada, toddoba sanno oo muddo kordhina ayay ku fadhiyaan, maynaan arag wax bini’aadama oo waxaa aqbala, waayo mudadii la doortay ee xalaasha ahayd waxa ka badan mudadii aan la dooran ee ay xaaraanta ku fadhiyaan. illaa imika waxaynu ognahay in aan xeerkii doorashada golaha wakiilada la samayn lana keenin waxaana aan qabaa in shakhsiga koowaad ee eedaa lihi uu yahay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

Cali Guray waxa uu sheegay in uu ku qanacsanyahay sida ay wax u wadaan komishanka doorashooyinka qaranka iyo diwaangalinta codbixiyaasha ee ay wadaan hawsheeda, waxaana uu yidhi “Anigu shakhsiyan waan la haystaa komishanka doorashooyinka qaranka. markaan shakhsi, shakhsi u eego kama aqoon liitaan komishankii hore haddaanay ka aqoon badnayn aniguna waan difaacaa komishanka, diwaan-gelinta codbixiyayaasha ee socotaana way u dhawaanaysaa diwaan-galin sax ah, haddii ay sidaa ku socoto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...