Somalia: Ku-xigeenka Xogayaha guud ee QM: Jeffrey Feltman oo Muqdisho booqdey

Date:

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wefdiga Denijire Danjire Feltman ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley xaaladdaha u danbeeyey ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashada iyo shirka Bishan Feberaayo Siyaasiyiinta Soomaalidu ay isugu imaanayaan dalka Turkiga.

Danjire Feltman, ayaa saxaafadda u sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii dhowaan ay qaateen Dowladda Federaalku ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan. Mr. Feltman ayaa soo dhaweeyey doorka Haweenka laga siiyey Aqalka sare iyo Baarlamaanka muuqda laga siiyo, qoondo dhan 30%, waxaana uu ku dhiirigeliyey madaxda Soomaalidu in ay ka dhabeeyaan go’aankaas.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo waddamada iskaashiga la leh, si loo maalgeliyo doorashada 2016, shirka ka dhacaya magaalada Djibouti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo.

Kulanka labaad ee ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasaddu la yeeshey afhayeenka Baarlamaanka ayaa looga hadley arrimaha doorashooyinka sanadkan, iyada oo cabsi laga qabey in Baarlamaanku ka hor yimaado go’aankii Madaxweynaha iyo Xukuumaddu gaareen ee 4.5

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...